Banaan baxan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaradda ku sugan talex ayaa ka dhacay Gudaha magaalada Taleex, waxaana banaan baxayaasha oo iskugu jiray Wiilal iyo Gabdho ay socdaal dheer ku soo mareen wadooyinka waawayn ee taleex waxayna ku dhawaaqayeen hadalo ay ku taageerayaan shirka khaatumo 2 .
 
Banaan baxan ayaa ah kii 1aad ee tan iyo inti shirku bilaabmay ka dhaca Taleex ee lagu taageero shirka waxa uuna banaan baxani khaas u ahaa Dhalinyaradda oo kaliya waxa ayna wateen calanka Jamhuuriyadda Somaliya waxa ayna dhalintani Banaan baxooda ku oo Gaba Gabeeyeen badhatamaha Magaalada oo Inta badan ay ku sugnaayeen bulshada Qaybeheeda Kale.
 
Waxa haatan Taleex ku sugan Dadkii abid ugu Tirada badnaa ee Taleex u soo hoyda, waxaana si habsami ah u soconaya Shirka Khaatumo 2 oo Wareegiisii 2aad uu marayo Maalintii labaad waxaana Habsamida Shirka Soo dhaweeyey guud ahaanba  bulshadda Reer SSC.


 
 
Maxamed Cismaan Cabdinuur
Taleex.