shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Meheri ee waqooyiga Mareykanka oo taageertay samaynta Maamul gobaleedka beelaha Dhulbahante

(Maraykanka, Jan 11, 2012 Ceegaag Online)

Anigoo ku hadlaya magaca qurbo-joogta waqooyiga Mareykanka ee beesha Meheri waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa beesha Dhulbahante dhamaantood kuwooda jooga gudaha waddanka & dibedaba waxaanan ugu hambalyeyneynaa sida geesinimada leh & weliba isku duubnaanta leh ee ay u dhaqan geliyeen inuu u qabsoomo shirweynaha Khaatumo 2 kaa soo ay uga arrinsanayaan masiirkooda reereed iyo weliba danaha beesha oo ay meel qura uga soo wada jeedaan.


Waxaan haddaba kula talineynaa beelaha soomaaliyeed dhamaantood in ay taageero aan kala har laheen u gudbiyaan beesha Dhulbahante lana garab istaago qoddobada ka soo baxa shirkaa Khaatumo 2,waxaan cod buuxa kula talineynaa maamulada halkaa ka jirana aaney wax gacan gelin ah ku sameyn beesha Dhulbahante ee ka tashanaya danahooda qaaska ah.


Haddaba waxaan halkaan ka cadeyneynaa dhamaan beesha Meheri iney la garab taagan tahey shirkaa Khaatumo 2 hiil & hooba,waxaanan illaah ka baryeynaa in shirkaa uu ka soo baxo qodobo wax ku ool ah oo beesha danaheeda ah, ku dayashona u noqda dhamaan bulso weynta Soomaaliyeed una xaara waddadii ay qaadi lahaayeen kaasoo dhalin kara ineynu maanta helno waddadii nabada.AAMIIN INSHA ALLAAH.


Waxaa qorey C/qaadir Maxamed Samater(Cawaafe)
Afhayeenka beesha Meheri ee waqooyiga Mareykanka

Ceegaag waxay aaminsantahay soo celinta Soomaaliwayn balse Akhristayaashayada  waanu ku qancinaa

webmaster@ceegaag.com