shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidanka Somaliland oo saaka waabarigii hore weerar ku soo qaaday degmada Buuhoodle.

(Buuhoodle, Jan 15, 2012 Ceegaag Online) 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in uu dagaal qadhaadh ku dhexmaray daanta Galbeed ee magaalada Buuhoodle Ciidamo madaniya iyo Ciidamada Maamulka Somaliland.

Mar'aan taleefoonka kula xidhiidhnay magaalada Buuhoodle ayaa naloo xaqiijiyay in uu dagaalkaa sababay qasaare maal iyo nafba leh. Dhinaca kale shacabka ayaa u qaxay dhinaca Itoobiya ee koonfurta magaalada Buuhoodle sida Tuulada Boqonka. Waxaa kale oo wararku sheegayaan in markii ciidamo reer miyi ah ay soo xoojiyeen shacabkii kula dagaalamayay ciidamada Somaliland magaalada Buuhoodle ay magaalada kasaareen  haatana ay ku sugan yihiin baliga Shangale. 

Dagaalka ayaa hada istaagay daqiiqado ka hor, sidaa darteed ma xaqiijin karno waxa ilaahada khasaare labada dhinac kala gaadhay. Shabakada Ceegaag uma suuro galin hada inay hesho khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyay dagaalkii maanta.

Ha ka fogaan Ceegaag.com wixii warar ee ka soo kordha xiisadan.

webmaster@ceegaag.com