shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal qadhaadh degaanka Sooljoogto ku dhexmaray ciidamada maamulka Somaliland iyo dadwaynaha degaanka Buuhoodle.

(Buuhoodle, Jan 26, 2012 Ceegaag Online)

  1. Dagaal aan waxba laysulahadhin oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo shacabka degaanka Buuhoodle  ayaa ka kadhacay     maanta degaanka Sooljoogto oo hilaaddii 25Km kaga beegan dhinaca waqooyiga magaalada Buuhoodle.
  2.  
  3. Dagaalkaa oo bilowday abaaro 3:00pm galabnimo ayaa sida warar hordhac ahi sheegayaan gaystay labada dhinac             khasaare  lixaadleh oo nool iyo moodba leh. dhimashada illaa hada dhinaca shacabka Buuhoodle ayaa maraysa 24 qof, halka dhaawacana  uu gaadhayo 31 qof, oo 20 ka mid ah ay ahaayeen dhaawac culus loona qaaday magaalada Gaalkacayo.
  4.  
  5. Dhinaca Somaliland illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in ay ka dhinteen 6 askari oo maydkooda la hayo iyo 5 nin oo maxaabiis ah oo 3ka mid ah  dhaawac lagu qabtay gaadhi BEBEE ahna laga gubay iyo gaadhi xamuul ah oo ay u saarraayeen saadka ciidamada  oo   laga qabtay.
  6.       
  7. Dagaalkan oo ay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo watay tickniko aad u farabadan ayaa waxay kala kulmeen ciidamada    shacabka Buuhoodle iska caabbin xoogleh oo aysan filayn taas oo ku khasabtay ciidamadii soo dulay ee Somaliland in ay dib ugu gurtaan goobihii ay markii hore ay ka soo duuleen ee aagga Sooljoogto.
  8.  
  9. Dagaalkan ayaa yimi ka dib markii ay degaanka Buuhoodle soo gaadheen wafdi ka socda maamulka Khaatumo ee dhawaan lagu dhisay degmada Taleex kuwaas oo ku sii wajahnaa dalka Itoobiya.
  10.  
  11.          Waxii warar ah ee ka soo kordha dagaalkan, ha ka fogaan shabakadda wararka ee Ceegaag.com.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com