shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa gaarsiiyey carruurta Qaxootiga ah ee ku jira xerada Kaakuma Deeqo kala duwan oo uu waxbarashadooda ku dhiiro galinayo

(Kaakuuma, Jan 21, 2012 Ceegaag Online)

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa gaarsiiyey carruurta Qaxootiga ah ee ku jira xerada Kaakuma oo ka mid ah xerooyinka ugu waaweyn ee ay Soomaalidu qaxootiga ku tahay deeqo uu ku dhiiragelinayo Carruurta Soomaaliyeed si ay waxbarashadooda usii wataan.

Deeqdan ayaa isugu jirtay Kitaabada Qur’aanka Kariimka ah,Buugaag,Qalimmaan iyo waxyaabo kale oo Carruurta farxad gelinaya waxaana uu Mudane Maxamed Cali Ameeriko deeqahaasi gacantiisa ku gudoonsiiyey Carruurta qaxootiga ah ee ku jira xerada Kaakumo ee dalka Kenya.

Safiirka oo markii uu kasoo laabtay xerada Kaakumo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in talaabada uu ku tagey xerada qaxootiga ee Kaakumo ay jawaab u aheyd codsi ay horey ugu soo jeediyeen Waxgaradka iyo maamulka Xerada kaasi oo ay kaga codsadeen in uu xeradaasi soo kormeerro islamarkaana uu ka qeyb qaato sidii ay Carruurta Soomaaliyeed ee qaxootiga ah Waxbarashadooda heer u gaari laheyd.

“Runtii aad ayey ugu farxeen carruurta deeqdii aan u geynay farxadoodana way noo muujiyeen arintaasina way igu dhiiragelineysaa inaan mar walbo ka warhayo Waxbarashadooda kolba heerka ay mareyso xaqna way u leeyihiin iney helaan Waxbarasho Dhameystiran” ayuu hadalkiisa raaciyey Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Dhanka kale Safiirka ayaa intii uu xeradaasi ku sugnaa waxa uu kulammo uu ugu kuurgalayo xaalada guud ee Qaxootiga ku jira Xerada Kaakuma la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka isaga oo weydiiyey baahidooda waxaana uu u ballan qaaday in uu juhdi ku bixin doono sidii baahidooda loo dabooli lahaa.

Ugu dambeyntii Safiirku wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iney caawiyaan walaalahooda Qaxootiga ah isagoo sidoo kalena baaq u diray Hay’adaha Samafalka iyo Dowladaha Caalamka.

Deeqdan uu Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko gaarsiiyey qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada Kaakumo ayaanay aheyn deeqdii ugu horeysay ee uu gaarsiiyo xerooyinka ay ku noolyihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku yaala dalka Kenya.

Xigasho: Raadiyaha Qaranka Radiyoow Muqdisho

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com