shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Deegaanada beesha Dhulbahante oo loogu wanqalay magaca Khaatumo

(Taleex, Jan 16, 2012 Ceegaag Online) 

Shirwaynihii Dhulbahante ee baryahanba ka socday degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa ergooyinka u fadhiyay ka soo talo bixinta magaca uu yeelanayo maamulkii loo codeeyey in loo sameeyo gobollada Cayn Sanaag iyo Sool ayaa maanta isku raacay magaca maamul goboleedku in uu noqdo Maamul Gobeleedka Khaatumo ee Soomaaliya afka ingiriiskana ku noqonaya  Khaatumo State of Somalia.

Dhinaca kale haykalkii maamul ee gobolladani yeelan lahaayeen ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalmaha foodda inagu soo haya. Siada ku cad warsaxaafadeed ka soo baxay shir guddoonka shirka Khaatumo ayaa tibaaxaya in uu maamulkani ka koobnaan doono:

1)      Golaha Odayaasha

2)     Golaha barlamanka

3)     Golaha Fulinta

Waxaa kale oo ergooyinkii shirka ka qayb galay isku raaceen in 3da masuul ee ugu sarreeya golaha fulinta sida Madaxwaynaha iyo labada ku xigeen ay noqdaan kuwo meerto ah ee aysan noqon kuwo ay si dimoqraadiyay ah ay u soo doortaan golaha wakiilladu inta lagu jiro xilliga kalaguurka ah (transition period).

Daawo Shir saxaafadeedkaa

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com