shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hurin ciidamo Somaliland ka soo Goostay oo Taleex soo Gaadhay

(Taleex.  Jan 17, 2012 Ceegaag Online) 

 

Waxaa Maanta Gelinkii Hore Lagu soo dhaweeyey Hoolka Shirka ee Khaatumo2 Koox Askar ah oo ka soo Goosatay Maamulka Somaliland, waxaana ay ciidankani Saaka Gelinkii Hore  Soo gaadheen Magaalada Taleex, waxa ayna sheegeen in ay u dul qaadan waayeen Dhaqanka Qalafsan ee Maamulkaasi kula dhaqmo Shacabka Gobolka Khaatumo, waxaana ay ka hadleen madasha shirka iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin midowga Beesha Dhulbahante iyo ku dhawaaqista maamulka Khaatumo State of Somalia, waxaana ay Ciidankani ahaayeen sida ay sheegeen ciidamo ka hawl gali jiray Saldhiga dhexe ee Laascaanood iyo kuwa taraafikadda waxa ayna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin Imaanshiyaha Taleex.

Dhinaca kale waxaa  Magaalada Laascaanood isna ka baxsaday Askar iyo 1 Gaadhi oo Nooca Booliska ah Gaadhigan oo ah Nooca Loo yaqaano(XAAJIYAD) Waxaana ay gaadheen Magaalada Buuhoodle waxaana tan iyo intii Maamulka Cusub ee Goboladda SSC lagu dhawaaqay isi soo taraya  Ciidamada kasoo Goosanaya Maamulka Somaliland.


 

Maxamed Cismaan Cabdinuur Xaashi

webmaster@ceegaag.com