Madax dhaqameedka Goboladda Dhulbahante ayaa  Shir Saxaafadeed ku qabtay  Magaalada Taleex ayey kaga Hadleen Dagaalkii Maanta ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee dhex maray Ciidamada maamulka Somaliland iyo Ciidamo beeleedyo ka soo jeeda Gobolka Cayn.

Waxaana hadalka ku horeeyey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, waxa uuna garaadku ku dheeraday gardara maamulka Somaliland ay ku hayaan shacabka SSC waxa uuna sheegay in Garaadku aad uga xanaaqsanyahay gardaradda waxa uuna shacabka SSC ugu Baaqy in ay diyaar u noqdaan wax uu ugu yeedhay Jihaad.  Waxa uuna sheegay in Somaliland Ciidankeedu si gardaro ah ku joogo Goboladda Dhulbahante, isla markaana Dagaalka ay ku qaadeen Shacabka Buuhoodle uu ahaa mid dhamaan Shacabka SSC ka Xanaajiyey haatana ay diyaar u yihiin in ay jihaad geli doonaan waasida uu hadalka u dhigay e.

 

Geesta Kale Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa isaguna Baaq u diray Isimada iyo wax garadka reer Sheekh Isxaaq, waxa uuna sheegay in ay Hore sadex jeer uga digeen inay Ciidmadadooda kala baxaan Goboladda Dhulbahante balse waxa uu garaadka hoosta ka xariiqay in hada wixii ka danbeeya shacabka SSC ay jihaad galayaan isnaka kicinayaan ciidmada Maamulka somliland ee sida xaqdarada ah ku jooga gobolada Dhulbahante.


 

Maxamed Cismaan C.nuur

Taleex