shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaarkamida jaaliyada Soomaalida ee Imaaraadka oo gaadhsiisay Agab Isbataalka guud ee Buuhoodle

(Buuhoodle, Jan 29, 2012 Ceegaag Online) 

 

Waxaa Maanta Isbitalka Buuhoodle La soo gaadhsiyey Agab jiif oo ay Soo direen Jaaliyadda Khaatumo  ee Wadanka Isu Taga imaaradka carabta, Qalabkan la soo Gaadhsiiyey Isbitalka Dhexe ee Buuhoodle ayaa ka Koobnaa Furshaan, Barkimooyin, marakaneecooyin iyo Go'yaal kuwaas oo loogu talo galay in loo isticmaalo Bukaan Jiifyada isbitalka La keeno waxaana deeqdani ay ku soo beegmaysaa Xili Gobolka Cayn ay ka jiraan colaado baahsan oo u dhexeeya shacabka Gobolka Cayn iyo Ciidamada maamulka Somalilad, waxaana deeqdan Bixinteeda loo soo Wakiishay Ururka haweenka ee gobolka Cayn waxa ayna si rasmi ah maanta ugu wareejiyeen agaasimaha guud ee Isbitalka buuhoodle Dr Cali Xukun, waxa uuna uga mahad Celiyey Jaaliyadii Deeqdan soo dirtay waxa uuna sheegay inay Si aad ah ugu baahnaayeen Agabkan Jiif ee Isbitalka la keenay.

Maxamed Cismaan Cabdinuur

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com