shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qiso  Yaab iyo Wadani Nimo Xanbaarsan ayaa ka dhacday Duulada Dandan ee Gobolka Cayn.

(Dandan, Jan 02, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa Isibitaalka Laascaanood Saaka La soo Gaadhsiiyey Wiil Dhalin yaro ah oo Dhaawac Halis ah Qaba ,dhaawaca wiilkan ayaa ah mid uu isagu isu geystey kadib markii aabihii oo ku nool isla tuulada Dandan uu u diiday in wiilkan yari uu aada Xaruunta Taariikhiga ah ee Taleex   oo ah Goobta  ay taal Gogosha Shirka Wada Tashiga Beelaha Dhulbahante ee Khaatumo-2

 

Wiilkan ayaa Kadib markii aabihii u diiday in uu yimada Taleex uu isagu Tooray (MINDI) uu Qoorta iska mariyey waxaana arintan ay ka qiiraysiisay dhamaanba Umadda Degta Deeganadda SSC, waxaa Taleex haatan ku sugan inta badan Shacabka deeganadda SSC kuwaasi oo intooda badani ay u yimaadeen in ay arkaan kana qayb qaataan fantasiyaha iyo Damaashaadka Horu-dhaca u ah Shirka Khaatumo2 waxaa haatan Taleex kusgan Dadkii Abid ugu Tiradda badnaa ee Taleex yimaada Kuwaasi oo qayb ka ah Ergooyinka Shirka waxaana Dadkan lagu qiyaaasi karaa inay yihiin dadka kaliya ee soo dhaweeyey Qarni ka Hor Xorinimo doonkii daraawiishta.

 

hadii aynu usoo Noqono Qisadan Yaabka, Naxdinta iyo Qadiyadda Xanbaarsan ee ka dhacday Dandan ayaa ah mid ay inta badan shacabka reer SSC hadal hayaan

 

Saleebaan Faarax Jaamac  oo Da'diisa lagu sheegay 22jir ayaa sababta  keentay Dhaawaciisa waxaa lagu sababeeyey kadib markii uu aabihii u diiday in uu siiyo kharash uu ku aada Taleex isla markaan uu aabihii Diiday in uu Guud ahaanba aado Taleex. waxaa Haatan Lagu Dabiibayaa Isbitalka wayn ee Lascanod waxa ayna Hawlwadeenada Isbitalka Wayn ee Laascanod ay Noo Xaqiijiyeen in Xaalkiisa Caafimad La dabiibayo isla markaana  ay aad u wanaagsantahay..

Maxamed Cismaa C/nur
Talex Sool Somaia

Laascaanod31@hotmail.com

 

 

webmaster@ceegaag.com