shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

RIAC oo lagu soo kordhiyay xafiis La'talin iyo Adeeg bulshadeed ah.

(Boston, MA, Jan 28, 2012 Ceegaag Online)

Refugee and Immigrant Assistance Center (RIAC) Waxaa maanta si rasmi ah loo furay xafiis qaabilsan adeega bulshada dhinaca talooyinka iyo tusaalayaasha la siiyo dhalaanka soo koraya siiba qaangaadhayaasha cusub. Ugu horayn waxaa shirka  furtay Maryan Gaas oo ah Madaxa RIAC oo sheegtay magaca xafiiskan oo afka qalaad lagu yidhaahdo RIAC Community Consoling Serves.

Maryan waxay ku soo dhaweesay goobta Saciido Cabdi oo hadalka ku bilowday in dadaal dheer Dabadeed  ay maanta suuro gashay in la furo xafiis  diyaar u ah daryeelka iyo daaweenta dhibaatada badanaa dadkeena Soomaaliyeed uga timaada dabeecada deegaankan cusub ee loosoo qaxay.

Saciido waxay sheegtay in xafiiskan dadka Soomaaliyeed aad ugu baahan yihiin sababta oo ah ‘iska daa dadkeenan qaxootiga ku yimid wadanka e dadka u dhashay ayaa loo fidiyaa gargaarkan siiba dhalaanka soo koroya’.  Iyada oo ugu danbayntii ka codsatay in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boston inay gacan ku siiyaan ka jibo keenida daryeelka ay doonayaan inay u fidiyaan shacabka reer Boston siiba kan Soomaalida.

Waxaa isna goobta ka hadlay Cyril Ubiem oo ah professor ku takhasusay cilmi nafsiga isaga oo hadalkiisa u badinayay dhinaca daryeelka caafimaadka raga. ‘Cudarada ugu daran ee dila dadka madowga ah ee dalkan Maraykanka waa la daaween karaa hadii la’ogaado inta aysan baaluqin oo aysan ku fidin qaybo badan oo jirka ka mida’.  Pro. Cyril waxa tilmaamay halista cudurada Macaanka, Dhiigkarka, isaga oo carabka ku adkeeyay isaga oo aan ka sariiganayn cudurka dilaaga ah ee Sheelada afka qalaadna lagu yidhaahdo "Prostate Cancer", ‘waa inaad iska baadhaa cudurkan hadii dadaadu 40 ka dhaaftay waa inaad u ogolaataa dhakhaatiirta inay kaa baadhaan cudurkan oo baadhididiisu ku lugleedahay farafarayn Xiniinyood iyo ibta hoose ee habdhiska dheefshiidka Cuntada’.

Liza Fortuna oo ah dakhtarad in badan lasoo shaqaynasay caruurta Soomaalida kana timid Gobolka 51 aad ee maraykanka waa wadanka Pueta Rico hadana ay aad ugu faraxsan tahay rugtan iyo inay si toos ah ula shaqayso Soomaalida. Liza waxay carabka ku dhufatay in dhib badan oo ka imanaya la qabsiga wadanka uu hada kow u yahay Jaaliyada loona baahan yahay wax ka qabadkeeda in loo midoobo.

Waxaa shirka isna kalmad kasoo jeediyay Sheekh Yuusuf Cabdala isaga oo ku amaanay hawsha dheeraadka ah ee RIAC u tafa xaydatay inay shacabka reer Boston u qabtaan, isaga oo sheegay inay iyagu wadaado ahaan hawsha gacanta kula jireen diyaarna u yihiin inay hada la shaqeeyaan rugtan cusub, Sheekha ayaa sheegay in diinteenu wax badan oo dhaqan xumo ah inaga badbaadinaso hadii aynu ku dhaqano caruurteenana ku ababaino. Sh. Yuusuf waxa uu hadalka kusoo gabo gabeeyay hadii aad aragto cunugaaga ama cunugtaada oo boorsada inaad eegto waxa ugu jira kaala cararaya digtoonow waxbaa jire e, hadii aad aragto cunuga ama cunugtaada oo Taleefoonka la dhuumanaya marka qof gaari soo Waco digtoonoow waxbaa jidka kusoo jira e, hadii aad aragto cunugaaga ama cunugtaada oo Iskuulka kusoo daahaya digtoonoow daroogaa daaqada kaaga soo gashay e.

Ugu danbayn waxaa shirka soo gabogabeeyay Marwo Maryan Muuse Boqor oo ka hadashay dhibaatada kala haysata waalidiinta iyo caruurta ay ku korsanayaan deegaankan Mareekan. Maryan Muuse ayaa sheegtay in aynu isaga nimid wadankeenii caruurteenuna aysan ku korayn sidii aynu kusoo kornay, loona baahan yahay in aynu isku xirno xarumaha caafimaadka,  aana la sharaysan booqashada xafiisyada dhakhaatiirta waayo waalid ahaan badanaa kama war hayn karno waxa ay caruurtu tabayaan. Maryan ayaa ku guubaabisay Hooyooyinka inay samaystaan xaflada naqas bixin ah si naftoodu uga nafisto nolosha adag ee ay kula daalaa dhacayaan deegaankan Mareekan.  Maryan ayaa uga digtay waalidiinta inaysan qarsan dhibaatada caruurtooda iyaga oo sumcad xumo bulshada dhexdeeda ah uga baqaya ‘Caruurtiina hadii aad fahmi waydaan u geeya dad khibrad leh sida dhakhaatiirta noocyadooda kaladuwan ee ilaahay inoo sakhiray’.

 Daawo Sawirada Xaflada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com