Waxaa Saaka Gelinki Hore Wejigii 3aad Galay Shirkii Wada Tashiga Beelaha SSC ee Khaatumo 2 waxaana Shirkan ka soo qayb galay Dadwayne aad u tiro badan oo ay kamid ahaayeen ergooyinka Shirka, Isimadda Deeganadda Sool, Sanaag iyo Cayn, Kooxda G6- Iyo Dadwayne aad u tiro badan oo reer taleex iyo Qurba Joogba Leh, waxaana ugu horayna Shirkan Lagu Furay Aayadaha Quraanka kariinka iyo Axaadiis Lagaga Hadlayey Shirarka Noocan oo kale iyo waxa Diintu ka qabto.

 

Waxaana Ugu horayn halkaasi ka halay qaarkamida Isimadda Deeganadda SSC  sida Garaad Saleebaan Buraale iyo Garaad Abshir Saalax waxa ayna dhamaantood ka hadleen ah'miyada shirka Khaatumo 2 u leeyahay Shacabka Deeganadda SSC waxa ayna ku dheeraadeen in hada la gaadhay xiligii Ay midoobi lahaayeen aqoonyahanadda, madaxdhaqameedyada iyo Siyaasiyiinta Goboladda Sool Sanaag iyo Cayn, Shirkana laga Rajaynayo midho dhal iyo Guul.

 

Waxaa isna goobta ka hadlay Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Dowlada Somalia Mr.C/kariin Xasan Jaamac waxa uuna sheegay in Dhamaan Goboladda Dalka Soomaaliya ay Nidaam maamul Wax ku helaan haday Tahay Wax qabadka haayadaha iyo Beesha caalamkaba, inta badana Miisaaniyadda Goboladda SSC ay Lunsadaan maamuladda Dhinacyadda Inaga Xiga ee Puntland iyo Somaliland. waxa uuna ku dheeraaday in Haatan Loo Baahanyahay Midnimo iyo Wax la qaybsi Bulshada Soomalida ah.

 

Waxaana Madashan Soo afmeeray Eng. Maxamed Buraale oo kamid ah Kooxda G6, isla markaana ka warbixiyey in Shirkani uu yahay  mid  Wada Tashi isla markaana waxa uu sheegay in Loo baahanyahay Isu samir iyo Tanaasul dheeraad ah, shirkana waxa uu ku soo dhamaaday Jawi Wanaagsan oo farxadi ku dheehantahay, waxaana Amaanka Shirka si adag u sugayey Ciidamo Tiro beel ah oo ku Labisan Dirays Gaar ah iyo Qoryaha Fudfudud. 

Maxamed Cismaan C.nuur

Taleex.