Waxaa Saaka Gelinkii Hore Hoolka Shirarka ee Khaatumo 2 Ka Furmay Shirkii wada tashiga Beelaha Dhulbahante,  waxaaana Shirkani uu ahaa Shir ay iskugu yimaadeen cuqaasha Deeganadani isla markaan u jeedada shirku ahayd Dhagaysiga Fikiradda Cuqaaasha deeganadda Dhulbahante, waxaana ka so qayb galay cuqaal aad u faro badan oo kamid ah Cuqaasha Deeganada waxaana ka mid ahaa Cuqal ka socotey beelaha La hayb sooco ee Loo Yaqaano Gabooyaha ,waxaaana furitaankii Shirkan furay caaqil ka socdey beesha Gabooye oo Lagu Magaacbo Caaqil Ismaaciil Xirsi Shabelle waxa uuna ku dheeraday Ahmiyadda Shirkani u leeyahay Dadka Daga deegaanada SSC haday Tahay beelwaynta Dhulbahante iyo Beelaha La Haybsooco ee la dagaba.

Waxa uuna Mr Shabelle Sheegay in Shirkani uu yahay mid ka duwan Shirarkii Hore e Beelwaynta SSC iskugu Imaan jireen waxa uuna caaqilkiu ku dheeraaday Ahmiyadda Shirkani leeyahay waxa uuna sheegay in ay Alle Mahadiis Tahay mark hadii Cuqaashii, Isimadii iyo Siyaasiyiintiiba ay wada Joogan Hal Goob sidoo kalena ay Madasha ka dhex muuqanayaan beelaha La hayb sooco oo aan hore loogu arki jirin Shirarkan.

Sidoo kale Caaqil maxamuud Xaaji Cumar Camey oo kamid ah  Cuqaasha gobolka Cayn ayaa Sheegay in ay wax laga Xumaado tahay in Xaruuntii SSC ee Laascaanood aanay Isimada SSC iyo Wax garadkuba mari Karin marka ay Ka soo kicitimayaan Gobolka Cayn waxa uuna sheegay caaaqilku in haatan Xiligii uu Shaqayn lahaa ay ka hadhay wax ka yar 7 Sano isla markaana uu Rajaynayo in uu arko Deeganadda SSC oo ka Madax Banaan Duliga iyo Kala Faqooqsanaanta Beesha ku habsatay, waxa uuna sheegay in uu ka Shaqsi ahaan aad ugu rajo wayn yahay In Deeganadda SSC iyo Shacabkooduba ay midoobaan.

Inta badan Caaqilada madasha ka hadlayey oo Badna ayaa dhamaantood waxa hadalkoodu uu iskugu soo biyo shubanayey Ahmiyadda Shirka wada tashigu u leeyahay Shacabka SSC isla markaana ay aad ugu farasanyihiin qaabka shirku u soconayo.
 

Waxaa Guntii iyo Gunaanadkii Madashan soo afmeeray Dr Cali ciise Cabdi oo ah gudoomiyaha G6 waxa uuna Sheegay in uu ku faraxsanyahay Fikiradda  ay Cuqaashi madashan ka hadashay soo jeediyeen waxa uuna wax lagu farxo ku tilmaamay in inta badan bulshadda SSC ay Fikir kooda ka wada midaysanyihiin, iyadoo fikirka Shacabka iyo Cuqaashuna uu isku meel u wada Dhacayo, ayna wada Doonayaan Xorayn iyo Horumar taam ah oo Beesha SSC ku Noolaato.

Waxa uuna Dr Cali Ciise Cabdi Sheegay in Haatan Wajigii 1aad ee Shirku uu Dhamaday Maalinta  beri ahna loo gudbi doona Wajiga 2aad ee shirka.

Waxaana Shirkan Wajigiisa Labaad ka Qayb Galaya Ergooyinka Laga Soo xulay beelaha Dhulbahante waxaana uu Sheegay Dr Cali Ciise in Ergooyinka Matalata Shacabka SSC ay iyagu Gaadhi doonaan Go’aamada isla markaana Agendaha Shirku uu Noqonayo Fikiro Laga Uruuriyey Shacabka  iyo Madax dhaqameedyadii hadalada ka soo jeediyey Shirarkii Sida is daba Jooga ah u dhici jiray.

Waxaa Isla maantaba la bilaabay Qaybinta Kaadhahka Ergaynimo ee Loo qaybinayo ergooyinka Shirka ka qayb Qaadanaya.

Daawo Sawirada Shirka