shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Taleex ee Wadatashiga beelaha Dhulbahante oo si rasmi ah u furmay lagana  filayo GUUL ama GALDOGOB

(Taleex, Jan 05, 2012 Ceegaag Online)

Habkii iyo Asluubtii uu hanaqaaday Furitaanka Khaatumo-2 ee Rugta Taleex  Dhagayso

Waxaa Maanta Si rasmi ah u furmay Shirkii Wada tashiga beelaha SSC, waxaaana Shirkan ka soo qayb galay Dadwayne aad u faro badan, waxaana kamid ahaa Isimadda Deeganadda SSC, Ururadda Haweenka oo iyagu Door wayn ka ciyaaray Qaban qaabada Shirka, Ururadda Dhalinyaradda, bahda Suugaanlayda, waxaana Shirka si rasmi u Furay Garaad Maxamed Cismaan Mashqare oo wakiil ka ahaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ahaa Isimkii Go'gosha Khaatumo 2 dhigay Taleex.
 
Waxaana uu Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare uu ku dhawaaqay in uu Shirki si rasmi ah u furanyahay waxaa kale Garaadku sheegay in uu ku faraxsanyahay in shirka Beesha Dhulbahante ay wada tashato isla markaana waxaa uu garaadku sheegay in shirkani uu ahmiyad wayn u leeyahay dhamaanba Umadda Deeganaada SSC.
 
Sidoo kale waxaa Madashan ka hadlay Dr Cali Khaliif Galaydh oo isna ku dheeraaday Baahiyaha Loo qabay Shirkan waxaana uu sheegay in aanay jirin wax fikir ah oo ay Kooxda G6 ay dibada Kala timi oo haatan taleex dadka iskugu yimi ay Dhaqan gelinayaan balse waxa uu sheegay in shirkani uu yahay mid wada tashi isla mar ahaantaana Ay Go'aamadiisa iyo Go'aamintiisu ay u taal Ergooyinka ka soo qayb Galay Shirka Khaatumo 2.
 
Waxaa Sidoo kale madashan Ka hadlay Pro Cali Ciise Cabdi oo qudbad qiiro leh ka soo jeediyey waxa uuna Umadda SSC ugu Baaqay in ay shirkan ka faa'iidaystaan isla markaana waxa uu Pro. Cali Ciise uu sheegay in Shirkan uu rajaynayo inay ka soo baxaan Qodobo Wax ku ool ah oo Shacabka SSC wax tar u leh.
 
Waxaa madashan ka hadlay Cuqaal, Garaado iyo Marti sharaf waxa ay dhamaantoodna waxa ay ku dheeradeen Ahmiyadda Shirkanu uu u leeyahay dadka daga Mandaqadan waxaana geestooda ayaguna Ay fanaaniin u badan Gabayaa ay ku soo bandhigeen gabayo Halku dhigoodu yahay Khaatumo 2 iyo Sida loogu han waynyahay.


Waxaa Xafladan Furitaanka Khaatumo2 Soo afmeeray Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac Sheegayna in beesha Dhulbahante ay Haatan midaysantahay kuna midoobeen in ay Danahooda ka arinsadaan waxaa kale oo garaadku uu Alle ka baryey in shirkani uu noqdo mid najaxa.

Daawo Sawirada Shirka


 
Maxamed Cismaan C.nuur
Taleex

 

webmaster@ceegaag.com