shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warar Dheeraad ah oo ka soo kordhay dagaalkii ciidamada Somaliland ku soo qaadeen degmada Buuhoodle.

(Buuhoodle, Jan 15, 2012 Ceegaag Online) 

Warar xogogaal ah oo aannu ka hellay dagaalkii gaadmada ahaa ee saaka waabarigii ciidamada Somaliland ku soo qaadeen Degmada Buuhoodle ayaa tibaaxaya in uu dhaliyay khasaare labada dhinac ah. Dhinaca ciidanka Somaliland ayaa waxaa ka dhintay inta la hubo 3 askari oo maydkooda lagaga tagay duleedka magaalada xagga hal aski oo kale manta galinkii danbe laga helay aagga qudhaca Buuhoodle. Waxaa isna lahayaa Askari dhaawaca oo lagu dabiibayo isbataalka Buuhoodle lamana garanayo khasaaraha kale ee gaadhay maadaama aysan noo sooro galin ina aan xogta ka helno taliyayaasha ciidamada Somaliland. Dhinaca kale shacabka Buuhoodle ayaa dagaalkaas iska caabiyay kana saaray magaalada ciidankaas ku soo duulay iyadoo dagaalkaas ay shacabka kaga dhinteen shan  Raga iyo Haweenay 6ruux  illaa 13na ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadii soo duulay ee Somaliland ay hadda ku noqdeen goobihii ay ka soo ruqaansadeen ee aaggaga Hagoogane, Kalshaale iyo Maygaagle, halka dhinaca Buuhoodle ay ciidankii shacabku ku diyaargaroobeen balliga Shangalle iyo nawaaxigiisa. Waxaa dhinaca kale labada dhinacba u socda gurmadyo xoogle iyo tabaabulshe dagaal oo laga yaabo in markale laysku farasaaro jiidaha ay isku horfadhiyaan labada ciidan. Dagaalkan ayaa yimi sida la sheegayo ka dib markii ciidamo taabacsan maamulka Somaliland una dhashay degaanka Buuhoodle ay gudaha magaalada soo galeen habeen hore isla markaana ay kula taliyeen ciidanka Somaliland ee fadhiyay degaanka Qoriligud in ay soo galaan magaalada iyagoo ugu sheegay in aysan la kulmidoonin wax iska caabbin ah. Dagaalkan ayaa haddii maamulka Somaliland sii wado isu rogi kara dagaal ahli oo saameeyn wayn ku yeesha ammaanka gobollada waqooyi oo dhan.

 Isku soo duuduuboo dagaalkan ay maanta Somaliland ku soo qaadday degaanka Buuhoodle ayaan la garan karin waxa sababay iyadoo xillagan ay u fadhiyaan waxgaradka Dhulbahante degmada Taleex kagana dhawaaqeen in ay maamul ka madaxbannaan maamullada hareeraha u samaynayaan gobollada Sool Cayn iyo Sanaag.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com