shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad qalin jabin ah iyo mid dabaaldega Kowda Luuliyo oo ay soo abaabuleen dhalinta SALSI ayaa si darandoori ah ugadhacay magaalada Boston.

 

(Boston,  July 01, 2012, Ceegaag Online)

Laba xafladood oo aad muhim u ah jaaliyada reer Bostona aad u soo dhaweeyeen ayaa xalay ka dhacday magaaladan Boston ee carigan Maraykanka. xafladahan ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ah kuwa deegaanada iyo waliba kuwa Jaaliyada ayaa lagu dhiiro galinayay dhalinta ka qalin jabisay Jaamacada iyo dugsiyada sare.

Mar aanu ka waraysanay qaarka mida abaabulayaasha labada xafladood ayaa waxa ay noo sheegeen anagoo Waraysigan ka qaadanay Cabdirabmaan Argaab (Numcaan) iyo Maxamed Cabdi Ashkir (Jaamac). "Dhalinteenu waxay aad u yaqaanaan Afarta Luuliyo (July 04) oo kowdaba kama warhayaan markaa waa inaan isku baraarujinaa Soomaali ahaan inaan leenahay Kowda July" (Jaamac) Dhagayso

Xaflada Habeenimada oo ay ka soo qaybgaleen dhalin aad u tiro badan oo soo buux dhaafisay madahsha ayaa waxaa iyana goob joog ka ahaa fanaaniinta magaalada Boston siiba Cismaan Buloow oo isagu kalmadahan dadka ugu majaajileenayay. Dhagayso

Xafladahan ayaa waxaa xidhiidhinayay Dalmar

 

Daawo Sawiradda

 

webmaster@ceegaag.com