shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Maxamed  Xaaji Ismaaciil Yuusuf oo Gaalkacyo ku geeriyoodey.

 

(Gaalkacyo,  July 05, 2012, Ceegaag Online)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI”

Ilaahay naxariistii Jano haka Waraabiyee Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku geeriyooday  Maxamed Xaaji Ismaaciil Yuusuf.

 

Dhamaan reer Xaaji Cali Cilmi Iidle ayaa halkan tacsi uga diraya dhammaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay marxuum Maxamed Xaaji Ismaaciil Yuusuf.

Sidoo kale waxaa tacsi nasoo gaadhsiiyay Dhamaan Maamulka iyo Howlwadeenada Hay’ada Waxbarashada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SCERDO Waxay Tacsi u dirayaan Dhamaan qoyska reer  Xaaji Ismaaciil Yuusuf, geerida ku timid ALLE ha unaxariistee Mohamed Xaaji Ismaaciil Yuusuf oo ku geeriyooday Magaalada Gaalkacyo. Waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo dhamaan Reer Xaaji Ismaaciil-na samir iyo Iimaan kasiiyo. Aamiin

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com