shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Afhayeenkii hore ee ciidamada AMISOM Colonel Paddy Ankunda ayaa maanta xilkiisii ku wareejiyay Askari u dhashay Xeebta Soomaaliya ee DJabuuti.

 

(Muqdisho,  July 07, 2012, Ceegaag Online)

Afhayeenka Cusub ee AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud hadaldii uu xilwareejinta ka yidhi   Dhagayso

Xilka afhayeenka ciiadamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta waxaa si toos ah ula wareegay Col. Cali Aadan Xaamud oo ka soo jeeda dalka Jabuuti, kaas oo beddelay afhayeenkii hore AMISOM Paddy Ankunda.

Paddy Ankunda oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay isaga iyo Col. Cali ku wada qabteen garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayo sida ay ula shaqeeyeen ciidanka AMISOM.

Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay xilka loo dhiibay, isago ballan qaaday in uu si wacan u gudan doono hawsha loo igmaday, isagoo tilmaamay inuu sidoo kale ku faraxsan yahay inuu yahay nin ku hadla af-Soomaali oo ay is fahmi karaan Soomaalida.

Dabayaaqadii bishii hore ayaa loo magacaabay Col. Cali Aadan Xaamud in uu noqdo afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com