shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Diyaarda aan la aqoon cida iskaleh oo weeraray Saldhigyada Al Shabaab ee Garbahaaray

 

(Garbahaaray,  July 12, 2012, Ceegaag Online)

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo warramayaa inay duqeeyeen saldhigyo ay maleeshiyada al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Birta-dheer iyo Qorof oo 22 kilo mitir koonfur kaga beegan magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo. Duqeynta ayaa la soo sheegayaa in loo geystay laba saldhig oo labada deegaan ku kala yaalla, waxaana weerarka fuliyay laba diyaaradood.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah xildhibaanadda  baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan magaaladda Garbahaarrey ayaa  u sheegay saxaafada in duqeynta ay aheyd tii ugu cusleyd oo dhowaanahan lagu bar-tilmaameedsado saldhig ay al-Shabaab leedahay.

Wuxuu sheegay in saldhigyada la duqeeyay ay al-Shabaab ku keydsan jirtay saanadda iyo gaadiidka dagaalka, wuxuuna tilmaamay in duqeynta lagu burburiyay gadiid dagaal oo ay maleeshiyada laheyd. Lama oga cidda iska leh diyaaradaha duqeynta fuliyay iyo khasaaraha rasmiga ah ee maleeshiyada ka soo gaaray duqeynta.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com