shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxamed C/laahi Farmaajo oo ah xoghaya guud ee xisbiga TAYO oo munaasabadii 1-da Luuliyo ugu baaqay dhalinta Soomaaliyeed inay midoobaan.

 

(Nayroobi,  July 02, 2012, Ceegaag Online) 

Maxamed C/laahi Farmaajo oo ah xoghaya guud ee xisbiga TAYO oo baryahanba ku sugnaa magaalada Nayroobi ee caasimada wadanka Kiiniya ayaa kala qayb galay Soomaalida dabaaldagii israaca labada gobol ee ay ka dhalatay Jumhuuriyada Soomaaliya oo ku ku beegan Kowda Luuliyo.

Dadweynahan oo isugu soo baxay dabaal dagyada Kowda  Luuliyo ayaa sitay calanka Soomaaliya, iyagoo qaarkoodna ay ku soo xardheen midabka calanka wajiyadooda iyo qaybaha kale ee jirkooda.Maxamed C/laahi Farmaajo oo ah xoghaya guud ee xisbiga TAYO ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida munaasabada 1-da Luuliyo oo ah markii ay Soomaaliya xorriyadeeda qaadatay.

Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay qaataan door lamid ah kii SYL ay ka ciyaartay xorriyad u dirirkii dalka.Waxaa uu uga digay Soomaalida kala qaybsanaanta, isagoo sheegay in awoodeenu ay ku jirto midnamadeena.

Swirqaadaha:  Wariye - Axmed C/samad

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com