shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Farmaajo oo ka jawaabay eedayntii baadhitaanka Qaramada Midoobay ee ku aadanayd hanti ay lunsadeen madaxda dawladda kmg ah ee Soomaaliya

 

(Nayroobi,  July 17, 2012, Ceegaag Online) 

Daawo Waraysigii Raysalwasaaraha

 

Ujeeddo: Jawaab ku aaddan warbixintii ay soo bandhigeen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeeridda Soomaaliya

  • 1- Waxaan soo dhawaynayaa warbixintii ka soo baxday guddiga kormeerayaasha Qaramada Midoobay u qaabilsan baaritaanada ku aaddan musuqmaasaqa ee arrimaha Soomaaliya. Taas oo aan u arko in ay tahay mid anfici doonta jiilalka dambe ee Soomaalida.
  • 2- Waxa kale oo aan aad ugu faraxsanahay sida faahfaahinta dheer leh ee ay guddigu isugu hawleen in ay soo helaan kiisaska ku aaddan mususmaasuqa. Kuwaas oo intooda badan sidii la rabay daaha looga rogay.
  • 3- Baaritaannada la sameeyay oo aan ogahay in wakhti dheer iyo dadaalba lagu bixiyay waxay intooda badan ku guulaysteen inay soo helaan marxaladda dhabta ah ee ay Soomaaliya marayso,. Taas oo ay ahayd mar hore in ay shacabka Soomaaliyeed ogaadaan.
  • 4- Waxaan ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed inay akhriyaan oo si qoto dheer u fahmaan dhammaan qodobada warbixintan oo ay tahay in si fiican dadka loogu turjumo.

 Mawqifkayga ku aadan Musuqmaasuqa

Tan iyo markii aan bilaabay inaan ka shaqeeyo nidaam dawladeed laga soo bilaabo 1993 oo aan la shaqaynayay dawladda hoose, tan dhexe iyo tan gobolka ee New York, kana shaqaynayay ilaalinta xuquuqda dadka laga tiro badanyahay, waxaan waligey ku dadaali jiray oo ay ogyihiin intii ila soo shaqaysay inaan ka hortago musuqmaasuqa oo aan ku dadaalo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka dadweynaha.

Waxaan bartilmaameedsanayay inaan Soomaaliya u soo celiyo sharaftii iyo karaamadii ay ku dhex lahayd bulshada caalamka, anigoo billaabay inaan Soomaaliya gaarsiiyo dhanka maamul wanaagga waddamada horumaray, tan iyo markii aan xilka Ra’iisul wasaarennimo qabtay sannadkii 2010 ka.

Dhisitaanka nidaamka Dawladnimo ee Soomaaliya

Markii aan la wareegay xilka December 2010ka, Waxaan billownay shaqo adag oo ay igala qaybgaleen dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaanna golihii xukuumadda.

  • 1- Waxaan ansixinnay miisaanayad sannadeedka qaranka oo ahayd tii ugu horreysay ee muddo 20 sano ah, baarlamaanka la mariyo.
  • 2- Waxaan dib u bilownay mushaaraadkii dhammaan shaqaalaha dawladda, gaar ahaanna ciidamada qaranka oo markaas ay haysatay duruuf adag oo ay ugu horreyso mushaar la’aan raashin la’aan, daawo la’aan iyo hub la’aan, iyadoo aan bilownay daryeel guud oo aan siinayno ciidamada oo ay ka mid tahay musharaadka xataa loo billaabay dhammaan qoysaskii askartii ku geeriyooday dagaallada ay dawladdu kula jirtay kooxaha ka soo horjeeday.
  • 3- Waxaan bilownay xoojinta ciidamada sirdoonka Soomaaliya. Taas oo yaraysay qaraxyadii ka dhacayay Muqdisho, horseedna u noqotay in la jabiyo kooxihii ka soo horjeeday dawladda.
  • 4- Waxaan joojinnay diyaaradaha khaaska ah ee ay horay u qaadan jireen madaxdii naga horreysay. Taas oo ay sannadkii malaayiin lacag ah Soomaaliya uga khasaari jirtay, annagoo ku badalnay in madaxda dawladdu marka ay safrayaan ay raacaan diyaaradaha shacabka, si loo badbaadiyo hantida qaranka.
  • 5- Waxaan yaraynay safarradii madaxda dawladda, marka laga reebo kuwa laga fursan waayo. Waxaan lacag u qoondaynnay safarada masuuliyiinta dawladda oo awal ay bixin jireen hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo adkeeyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo qaranimadeeda.
  • 6- Waxaan dib u dhisnay taleefishankii qaranka oo muddo labaatan sano ka badan aan hawada soo galin. Taas oo aan u isticmaalnay inaan shacabka u marinno farriimaha wadaninnimada, keentayna markii dambe in dhammaan dadweynihii caasimaddu ay ugu istaageen si iskood ah in ay ula dagaallamaan kooxihii dawladda kasoo horjeeday, ayna si toos ah isugu xirmeen shacabka iyo dawladdu.
  • 7- Waxaan dayactirnay oo qalabaynay Isbitaalka Martiini oo lagu xannaanaynayay ciidamadii dalka soo difaacay ee ku dhaawacmay dagaaladii Soomaaliya ay la gashay waddamada dariska. kuwaas oo ay dawladdu u soo celisay daryeel buuxa iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen dalkooda.

Anigoo hal meel ah aan ku soo wada koobi karin waxyaabihii ay qabatay xukuumaddaydii mudadii 6-da bilood ahayd, waxaan arrimahaas dhowrka ah uga taabtay in dhammaan waxyaabihii noo qabsoomay ay ku yimaaddeen dagaalkii aan kula jirnay musuqmaasuqa. Taas oo keentay in lacagihii markii hore ku dhici jiray jeebabka masuuliyiinta lagu qabtay adeegyo shacabku ay u baahnaayeen, iyadoo sidoo kalana horseeday kalsooni in ay shacabku siiyaan dawladda.

Waxa xusid mudan in dawlad wanaaggii aan wadada u xaarnay in uusan socdeen haddii uu jiri lahaa musuqmaasuq.

Jawaabta igaga aadan warbixintii qaramada midoobay

Warbixinta nuqul ka mid ah ayaa soo qaadanaya magacayga oo oranaya: “Ra’iisul wasaare C/wali Gaas ayaa u sheegay guddiga baarista in lacag dhan 3.5 milyan oo dollar oo ka mid ah lacagtii ay dawladda Imaaraadka carabtu ugu deeqday Soomaaliya, aysan soo gaarin oo ay lunsatay xukuumaddii Farmaajo.”

  • 1- Qofkii si fiican u akhriyay warbixintaasi wuxuu dareemi karaa inaysan jirin wax eedayn ah oo guddigaasi uu xukuumadaydii ku soo oogay.
  • 2- Sida ku xusan isla warbixintana waxaa lagu sheegay inaanan wax waraysi ah la igala yeelan arrinkaas. Maadaama aysan guddigu arrintaas wax iga waydiinna, taasi waxay muujinaysaa in guddigu ay waayeen caddayn ay ku qancaan. Taas oo keeni lahayd in la ila soo xiriiro.
  • 3- Sida warbixinta lagu sheegayse waxaa jira eedayn ka timid walaalkey ra’iisul wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas oo wasiirna ka ahaa xukuumaddaydii, isla markaana aan nahay saaxiib gaar ah. Anigu ma aaminsani in eedayntaasi ka timid C/wali amaba ay tahay wax suuroobi kara. Sidaa awgeed waxaan codsanayaa in Md. C/wali uu arrinkaas daahfuro uuna shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigo haddiiba ay jiraan caddaymo muujinaya in lacag intaas dhan ay ku maqantahay dhankayga, haddii uusan hadalkaa oranna uu shacabka u caddeeyo. Waxa aan ogahay in C/wali uu yahay nin aan muddo dheer is naqaanay, oo og halka aan ka taaganahay musuqmasuqa iyo lunsashada hantida qaranka. Waxa kale oo aan idiin caddaynayaa inuu ka mid yahay dadka aan aadka u qaddariyo oo laga yaabo xogta warbixinta ku qoran in lagu been abuurtay.

Gabogabo

Dagaalka aan la galnay musuqmaasuqa xilligii xukuumaddii Tayo, waxaan aaminsanahay in uu laf dhabar u ahaa guulihii aan ka gaarnay dhinacyada dawlad wanaagga, guulihii ciidamada, koboca dhaqaale iyo siyaasadaba. Taas oo igu abuurtay inaan dareemo in shacabkaygu u baahanyahay inaan sii wado shaqadii hakadka gashay, waana midaas tan igu kalliftay inaan isu soo taago xilka madaxweynenimo ee dalka, si aan idiinku hoggaamiyo caddaalad, sinnaan, midnimo, Soomaalinimo iyo Islaamnimo. Taas oo noo suura galin doonta dhammaanteen innagoo gacmaha is haysanna inaan ka gudubno dhibaatooyinka dalkeenna soo wajahay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxaan Ilaahay uga rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed inay helaan hoggaan caadil ah oo ka saara dhibaatada dalka haysata iyo doorasho ku dhacda si xaq ah.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com