shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Haweenka Soomaaliyeed waa in ay helaan qaybtooda ay xaqa ugu leeyihiin Siyaasadda Soomaliya.

 

(Soomaaliya,  July 11, 2012, Ceegaag Online)

http://somaliwomenscircle.org/wp-content/themes/Exciter/images/header.jpg

Ku: Saaxiibadda Golaha Isutagga Haweenka Soomaaliyeed (GIHS)

GIHS waxay ka shaqaynayaan qorshe cusub oo hubinaya in haweenka Soomaliyeed ka mid noqdaan kana  qayb qaataan doorka siyaasadeed ee haatan wadanka ka socda. Waxayna si gaar ah u tabayaan, in ay meesha ka maqan tahay doorkii kaga aaddanaa ka mid noqoshada iyo ka qayb qaadashada go’aamada siyaasadda sare;

Intaas waxaa dheer, waxay u muuqataa in oday-dhaqameedyada Soomaliyeed ee fulinaya qorshaha   soo xulidda baarlamaanka cusub iyo lixda saxiixayaal ee qaabilsan soo afjaridda qorshaha (roadmap) xilliga kala guurka, aysan ayideeynin doorka haweeku ku leeyihiin hogaanka waddanka. 

Sidaa daraaddeed, Golaha Isutagga Haweenka Soomaliyeed waxay ugu baaqayaan dhamaaan ummaddda Soomaaliyeed ee arrintan ka dhiidhiyaya inay u istaagaan sidii loo sixi lahaa isu dheelitir la’aanta siyaasadeed ee ka jirta waddankeenna, taas oo quseeysa doorka raga iyo dumarka.

Si arintaan xal loogu helo, Waxay GIHS codsanayaan in aan dhammaanteen kawada shaqayno qodobadaan hoos ku qoran:

1.      Sidaan u taageeri lahayn dhameystirka xilliga kala guurka ah, si aan u gaarno dawlad loo dhanyahay, isuna dheelitiran oo dimoqoraadi ah.

2.      Sidaan u sii wadi lahayn horumarka Haweenka Somaliyeed ee dhinaca siyaasadda. Arrintaan waxaa lagu gaari karaa

a)      Iyadoo la hubiyo in ragg iyo dumar isu dheelitiran ay hoggaamiyaan afarta  guddi ee ka shaqaynaya isbedel dawladeedka soo socda;

b)       In la dhiso guddi haweenna oo u kuur gala,  xaqiijinta iyo hubinta soo dhamesytirka boqolkiiba soddonka (30%) ka xubnood ee loo qoondeeyey haweenka ka mid noqonaya Baarlamaanka iyo haykalka Dawladda;

c)      In haweenku la furaan wadahadal toos ah oday dhaqameedyada Somaliyeed oo masuulka ka ah soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub, si loo helo is fahan dhab ah oo ka turjumaya muhiimadda dumarka ay ku leeyihii hoggaanka waddanka.  Arrintani waxay hubaal celin u tahay guusha laga gaari doono in la najaxiyo Roadmapka ama khariiddada loo adeegsanayo soo afjaridda ku meel gaarka iyo dastuurka cusub ee inagu oo fooleh;

d)      Waa in lagu adkeeyaa odaydhaqameedyadu in aysan soo xulin xubno rag kaliya ka kooban. Haddii kalena, waa in uu banaanadaa boosaskii dumarka loogu talagalay (30%) inta laga soo buuxinayo;

e)      In haweenku ku yeeshaan boqolkiiba soddon 30%ka dhammaan qaybaha haykalka Dawladda oo aysan ku ekaan ka qaybgalka Baarlamaanka kaliya.

f)        In laga shaqeeyo qorshe ogolaanaya in boqolkiiba konton dumarka matalaan Baarlamaanka iyo dhammaan hayadaha dawladda ee mustaqbalka.

Hadaba Goluhu wuxuu aaminsanahay in si wadajir ah loogu gogol xaaro, sidii haweenka Somaliyeed uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta iyo hogaaminta siyaasaddeed ee waddanka.

Waxaan  ku dhiirigalineynaa dhammaan saaxiibadda, taageerayaaha iyo xubnaha Golaha Isutagga Haweenka Somaliyeed ee ku nool gudaha waddanka iyo dibaddiisa, inay dar dar galiyaan ololahaan lagu taageeraya dumarka Somaliyeed. Goluhu wuxuu idinku boorinayaa idinkoo isticmaalaya aqoontiina, xirfaddahiina, fikradahiinna iyo dhaqaalihiina,  in aad gacan weyn ka geysataan isbedelka cusub ee bulshada iyo siyaasaddda Somaliya. Waxaanu aaminsanahay in aan wada shaqayno, fikradahana is waydaarsanno si  aan u xoojinno taageerada dumarka Somaliyeed ee ka qayb qaadan doona Baarlamaanka iyo Dawladda cusub Soomaliya.

Fadlan booqo webside ka Golaha Isutagga Haweenka Somaliyeed: www.somaliwomenscircle.org.

Waxaad ra’yigiina noogu soo gudbin kartaan emailkeena oo ah somaliwomenscircle@gmail.com

Waxaanu rajaynaynaa inaan kawada shaqayno u ololeyta arrimahaan aan kor ku soo xusnay.

Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.

Golaha Isutagga Haweenka Soomaliyeed

Xiriirka Bulshada 

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com