shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa maanta duhurkii wuxuu shir uga furmay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ee magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga.

 

(Rome,  July 02, 2012, Ceegaag Online) 

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa maanta duhurkii wuxuu shir uga furmay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ee magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga.

Shirka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa furay wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Giulio Terzi, iyadoo inta uu socdo looga hadli doono dhammeystirka xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya, sida xaaladda dalka loo wejihi doono xilliga kumeel gaarka ah kaddib iyo in dabagal lagu sameeyo go’aannadii ka soo baxay shirarkii Istanbul iyo London.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimaha amniga iyo caddaalladda ee Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Kooxda xiriirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dib u habeyn lagu sameeyo, maadaama la filayo inay xaaladda Soomaaliya wax badan iska beddelaan August kaddib.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com