shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Ruwanda.

 

(Kigali, Ruwanda  July 02, 2012, Ceegaag Online) 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wadfi uu hoggaaminayo ayaa xalay si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Kigali ee xarunta dalka Ruwanda, iyadoo madaxweynaha uu halkaasi salaan sharaf kaga qaatay Ciidamada Dalkaasi.

Bowl Kigami Madaxweynaha Ruwanda ayaa madaxweyne Sheekh Shariif si maamuus leh ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ruwanda, wuxuuna Madaxweynaha halkaasi u tagay arrimo uu doonayo inuu kala hadlo madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweynayaasha labada dal ayaa isla xalay kulan ku qaatay xarunta madaxtooyada dalkaasi, iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa, waxaana madaxweyne Shariif uu kala hadlay dowlada Ruwanda sidii ay u taageeri laheyd dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Ruwanda ayaa waxay ka mid tahay waddamada ay ka dhaceen dagaallada sokeeye ayaa hadda ka soo kabatay burburkii iyo dhibaatadii ay ka dhaxleen dagaaladaasi dhibaatada ba'an gaarsiiyay shacabka dalka Ruwanda.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com