shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Xukuumada Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in Meles Zenawi ku jiro fasax nasasho oo uu dhakhtarkiisu ku taliyey.

 

(Adis-Ababa,  July 20, 2012, Ceegaag Online)

 
Afhayeenka xukuumada Ethiopia Bereket Simon oo maanta la hadlay saxaafada ayaa sheegay in xaalka caafimaad ee Meles aad u wanaagsan yahay, waxa uuna beeneeyey warbixinta mucaardka ee sheegaysa in Zenwi il-daran yahay. Bereket Simon waxaa kale oo uu saxaafada u sheegay in xukuumadu ay diiday in ay faahfaahiso xanuunka ra'isulwasaaraha iyo goobta lagu daweenayo toona.

 

Berket Simon ayaa sheegay in uuna ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi qabin xanuunka kansarka maskaxda, balse waxa uu sheegay in xaalada xanuunkiisu gaar u tahay ra'isulwasaaraha iyo dhakhtarkiisa. Meles Zenawi oo 57 jir ah ayaa dalka Itoobiya hogaaminyey tan iyo intii xukunka laga riday taliskii dhiig-yacabk ahaa ee Dhargiga 1991-kii

 

Dhinaca kale Sibhat Nega oo kamid ah asaasayaashi jabhada TPLF ayaa si kulul u weeraray muucardka Itoobiya iyo warbaahinta reer galbeedka isaga oo ku eedeeyey in ay buunbuninayaan xanuunka ra'isulwaasare Meles Zenawi.
Sibhat Nega oo waryasi siiyey idaacada VOA-da, ayaa tilmaamay in xaalada Ato Meles Zenawi aad uga wanaagsan tahay sida warbaahintu sheegayso. Waxa uu intaa ku daray, in uu hubo in 100%  caafimaadka ra'isulwaasarhu ka soo raynayo oo uu xilkiisa ku soo noqon doono maalmo yar gudahood.

 

Rug cadaaga TPLF ayaa sheegay in wadanku caadi yahay oo dadwaynhu ayna saas u waynaynin xaalada caafimaad ee ra'isulwasaaraha, haseyeeshe waxaa uu qiray in mucaaradku xaalada caafimaad ee Meles buunbuuniyeen iyaga oo u arka in arintaasi faa'ido u tahay.

 

Sibhat Nega oo saxiib la ah ra’iisal wasaaraha Ethiopia Ato Meles Zenawi ayaa sheegay in xanuunka ra'isulwasaaraha dadku u arkaan caadi laakiin mucaaradku ka dhigayaan wax aan dhici karin madaama ay yihiin dad ku nool riyadooda.
Kooxaha mucaardka ah ayaa waayadan faafinayey in caafimaadka raisulwaasaruhu halis ku jiro iyaga oo ku salaynaya xogtooda malle iyo been abuur.

Si kastaba ha ahaatee waxaa isna ka rawaxaya masraxa siyaasada geeska afrika kaligii taliye badalay kaliyataliyihii Dhargiga Mingistu Xayle Maryam.

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com