shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Munaasabad Muqdisho loogu sameeyay Arday ka qalin-jabisay Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho

 

(Muqdisho,  July 19, 2012, Ceegaag Online) 

Ardaydan oo ka baxay qaybaha kala duwan ee kulliyadda dhaqaalaha Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta munaasabad ay ku qalin jabinayeen loogu sameeyay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin kala  duwan. Munaasabadda oo ka dhacday hoteelka Shaamow ayaa hadallo kala duwan ka jeediyay ardaydii qalinjabisay oo gabdho iyo wiil ahaa, mas'uuliyiinta jaamacadda qaarkood iyo marti-sharaf kale. "Waxaan u mahadcelinayaa macallimiinta iyo maamulka jaamacadda Muqdisho oo ii suurogeliyay inaan maanta ka qalin-jabiyo kulliyadda dhaqaalaha, runtiina waa heer aan aad ugu faraxsanahay inaan soo gaaro," ayay tiri Xamdi Cumar Xasan oo ka mid ah ahayd ardaydii qalin-jabinaysay.

Diiwaan-hayaha guud ee jaamacadda Muqdisho, Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo isaguna munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 40% ardayda jaamacadda dhigta ay yihiin gabdho.
 "Jaamacaddu waxay tixgelin gaar ah siisaa waxbarashada gabadhaha," ayuu yiri Dr. Liibaan oo hadalkiisa raaciyay in ardayda jaamacadda ka baxay ay la socdaan isbedellada cilmiga ku imaanaya.

Ustaad Cali Daahir Maxamed oo ka mid ah mas'uuliyiinta jaamacadda Muqdisho ayaa hadal uu munaasabadda ka jeediyay ku yiri: "Maanta waxaa faraxsan bulshada oo dhan, sababtoo ah waxaa u soo qallin-jabiyay arday taqasusaad kala geddisan leh."  "Ardayda waxaan kula dardaarmayaa inaysan noqon kuwo cilmi leh oo aan waxba akhrin. Jaamacaddu waxay leedahay dhaqan wanaagsan oo wax la idinku soo baray, waxaa la idin kaga baahan yahay inaad u gudbisaan bulshada cilmiga aad barateen, aadna noqotaan dad leh ixtiraam iyo dulqaad," ayuu yiri Ustaad Cali Daahir.

Nasro Wehliye Maalin oo ka mid ah mas'uuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta Nationlink oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in Jaamacadda Muqdisho ay soo celisay rajadii ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay arday fara badan ka qalin-jabiyeen. Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay C/llaahi Cilmi Ibraahim oo ka yimid dalka Norway-Bergam ayaa sheeagy inuu ku faraxsan yahay munsaasabaddan qalin-jabinta ah, isagoo yiri: "Waxaad maanta i tusteen
wax weyn oo aan jaaliyadda Norway aan uga sheekeyn karo." Ugu dambeyn, hormuudka kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho, C/qaadir Abuubakar Sheekh Xasan (Weha) oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku ammaanay ardayda qalin-jabiyay dulqaadkii iyo dhabar-adaygii ay sameeyeen muddadii afarta sano ahayd ee ay waxbarashada ku jireen, isagoo kula dardaarmay inay mujtamaha Soomaaliyeed uga faa'iideeyaan aqoontooda.

Cabdinaasir Yuusuf Macalin cnaasir114@hotmail.com

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com