shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Murashaxa Madaxweyne ee Soomaaliya Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo kulan la Qaatay Bulshada Rayidka iyo Dhallinyarada

 

(Muqdisho,  July 15, 2012, Ceegaag Online)

Murashaxa madaxweyne ee Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow) ayaa shalay oo Jimco ahayd kulan la qaatay ururrada blushada rayidka ah iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
 
Kulankan oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxay bulshada rayidka iyo dhallinyaradu su'aalo ku weydiiyeen Dr. C/raxmaan Baadiyoow waxayna su'aalahan intooda badan ku qotomeen waxyaabaha uu qaban doono haddii uu ku guuleysto xilka madaxnimo ee Soomaaliya.
 
 "Dowladda aan hoggaamiyaha u noqon doono, waxay noqon doontaa mid bulshada u damqata, dadka dhibka u nugul sida: carruurta, haweenka iyo  agoontana caawisa," ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyoow. "Sidoo waxay noqon doontaa dowlad ixtiraamta dhaqanka iyo suugaanta ummadda  Soomaaliyeeed."
 
Bulshadii kulanka ka qaybgashay ee su'aalaha weydiinayay murashaxa ayaa waxay isugu jireen, rag iyo dumar, waxayna intooda badan diiradda  saarayeen sida dalka lagu gaarsiin karo horumar iyo ammaan buuxa.
 
"Dhaqaalaha dalka waa inay u sinnaadaan murashaxiinta, sidoo kalena  waa in loo sinnaado idaacadda iyo telefishinka dowladda si murashaxiintu uga jeediyaan ololahooda doorashada, waxaana ka digayaa inay noqdaan kuwo cid u gaar ah," ayuu yiri Dr. C/raxmaaan Baadiyoow  oo ka jawaabayay su'aalo ku aaddan sida uu u arko in dhaqaalaha dalka  iyo warbaahinta ay gacanta ku hayaan madaxda dalka qaarkood oo murashaxiin ah.

Murashaxu wuxuu sheegay in 12 qodob ay saldhig u noqon doonaan dowladda uu soo dhisi doono haddii uu xilka ku guuleysto, kuwaasoo kala ah:
 
> 1. Dolwad dadkeeda iyo diinteeda heshiis la ah.
> 2. Dowlad dariskeeda nabad kula noolaata.
> 3. Dawlad aan hawiyadeeda (jirtaankeeda) lagu muransaneyn
> 4. Dowlad ku dhisan qaanuun iyo nimaadka hay’adaha dowladda
> 5. Dowlad Mudnaanta kowaad siinaysa dumarka, dhallinyarada iyo barbaarinta carruurta.
> 6. Dowlad dadkeeda kusoo celin karta nabadda (gudaha iyo dibadda).
> 7. Dowlad la dirireysa nooc kasta oo seef la boodnimo ah.
> 8. Dowlad hurumarisa dhaqaale; isku-filnaashana horseedeysa.
> 9. Dowlad xanaanenaysa inta laga xoog badan yahay.
> 10. Dowlad horumarinaysa tacliinta iyo technologiyada.
> 11. Dowlad ixtiraameysa dhaqanka iyo culummada
> 12. Dowlad hurumarineysa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha (isboortiga)

Dhinaca kale, mar la weydiiyay waxyaabaha uga qorsheysan ammaanka dalka ayuu sheegay inuu ka mid ahaa ciidamadii dalka muddo 16-sano ah kuna gaaray darajada Gaashaalle sare oo dhinaca ciidamada cirka ah, aqoon fiicanna uu u leeyahay sida looga shaqeeyo ammaanka dalkeenna oo kale.
 
"Saraakiil badan oo Soomaaliyeed ayaa ila soo xiriiray markii ay maqleen inaan u taaganahay xilka madaxnimo ee Soomaaliya, waxayna iigu bishaareeyeen inay gacan iga siin doonaan dhismaha ciidamada iyo sugidda ammaanka guud ee dalka," ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyoow.
 
Mar la weydiiyay inuu dadka u soo bandhigi doono hantidiisa ka hor inta uusan xilka qaban ayaa wuxuu yiri: "Haddii aan wax yar oo ka mid ah idiin horumariyo, waan ballan-qaadayaa inaan shacabka Soomaaliyeed hortooda ka caddeyn doono hantida aan haysto marka aan xafiiska la wareegayo. Midda kale anigu intaan hanti lahaa waxaan ku bixiyay sidii aan garaadka bani'aadamka ku dhisi lahaa ee kama dhisan guryo, bankiyadana kaydadka kuma lihi. Murashaxiinta kalena waa inay fikirkaas oo kale la yimaadaan."
 
Dr. C/raxmaan Baadiyoow ayaa wuxuu noqonayaa murashaxii ugu horreeyay oo soo horjoogsada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayna su'aalo weydiiyaan, isagoo horay u sheegay inuusan qiyaamayn ummadda Soomaaliyeed beenna u sheegayn haddii uu xilka madaxnimo ee dalka ku guuleysto.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com