shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra段isul Wasaare ku xigeenka Turkiga  oo si  weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho.

 

(Muqdisho,  July 17, 2012, Ceegaag Online) 

Ra段isul Wasaare ku xigeenka Turkiga Sayn Baker Bosdag iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana waftiga si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Ra段isul Wasaare Soomaaliya Dr. Cabidweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda, Xildhibaano Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu horayntii Ra段isul Wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa  hadal kooban ka jeediyey dhagax dhiga goob loo cayimay in laga dhiso taawarka laga hago diyaaradaha iyadoona ay fulinayso dhismahaas hay誕d  laga leeyahay dalka Turkiga.  Mr, Bosdag ayaa sheegay in dowaladda Turkigu ay ka wado magaalada Muqdisho mashaariic kala duwan waxaana sidoo kale uu sheegay inuu meel gaba gabo ah marayo dhismaha isbitaalka Dikfeer lana rajaynayo inuu soo dhamaystirmo dhamaadka sanadkaan iyadoona loo qalabayn doono si casri ah.Waxaa kale oo uu intaas ku daray Ra段isul Wasaare ku xigeenka Turkigu in dowaldiisu ka waddo magaalada Muqdisho mashaariic  ku wajahan dayactirka Wasaaradaha dowladda. Islamarkaana wuxuu  sheegay iney bilaabi doonaan sidii loo dhisi lahaa xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra段isul Wasaare ku xigeenka Turkiga  Mr. Bosdag wuxuu  kulan la qaatay Golaha Wasiiradda DKMG, Isagoo uga warbixiyey u jeedka safarkiisa uu ku yimid magaalda Muqdisho oo aheyd inuu indha indhayn ku sameeyo  mashaariicda ay dowladiisu ka waddo magaalada Muqdisho.

Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyey isla goobtaas ayaa uga mahad celiyey  dowladda Turkiga sida deeqsinimadu ku jirto oo ay ugu soo gurmadeen Walaalahooda Soomaaliyeed ayna gacan weyn uga  geysteen Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Adeegyada kale oo muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana  mashaariicdii ay ka fuliyeen dalka ay noqdeen kuwa miro dhal ah.  

Ugu dambayntii Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ra段isul Wasaare Ku-xigeenka Turkiga  ayaa si wada jir ah ugu  wareejiyey deeq ka kooban 400 oo kumputer Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho, Iyadoona ay horey Xukuumadda Soomaaliya uga codsatay dowladda Turkiga iney tayeyso Jaamacadaha dalka Soomaaliya.

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director, office of the PM

Mobile+252-616 084650

Mogadishu, Somalia

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com