shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 USAID Somaaliya oo waxqabadkeeda ku soo bandhigtay kulay ay soo qaban qaabisay Hayada Glopal Peace Aid Magaalada Boston, MA ee USA.

 

(Boston,  July 10, 2012, Ceegaag Online)

Kulan ay maalintii Axadda ee July/08/12, ku soo bandhigeeysay hay'adda horumarinta caalamiga ee dalkan Maraykanka
ee loo soo gaabiyo USAID Soomaaliya, waxqabadkooda ayaa waxaa lagu qabtay magaaladan Boston ee dalka mareeykanka,  iyadoo halkaasi ugu horreeynba ka caddeeyay in USAID Somaaliya ay tahay mid wax wayn ka qabata dalka Soomaaliya

 
Ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadashay madaxa qaybta Soomaaliya u qaabilsan USAID, Mrs: Angela waxayna si wayn  ugu fogaatay inay wax badan ka qabteen dalkaasi ay dhibaatooyinka colaadaha, dagganaasho la'aan sababtay fakhri, burcad, musuqmaasuq, dhamaanba umuurahaasi waxay waxyeello wayn u geeysteen jiritaankii iyo sumcaddii shacabkiidalkaasu lahaa. 

 

Angela waxay xustay sida loo xaqiijin lahaa arimaha dhaqaalaha iyo  sidii loogu saldhigi lahaa badbaadada, sidii loo dhawri lahaa muhiimadda ay leedahay hiddaha loona ixtiraami lahaa, sidii loo heli lahaa dawlad hanata kalsoonida shacbigeeda, sidii loo dhawri lahaa hantida shacabka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa la wadaagista dawladda hay'adaha madaxa bannaan iyo shicibkaba waxa kala dhexeeyo, dhamaan umuurahaasi waa umuuro loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed hagaajiyaan.

 
Hay'addu ayaa waxay ka howl gashaa gudaha Soomaaliya waxyaabaha ay ka qabatay oo qaabka muuqaalka ah ay usoo bandhigtayna waxaa kamid ahaa sida magaalooyinka Muqdisho, Hargeeysa, iyo qaybo kamid ah Puntland ay howlo uga waddo, Muqdisha waxay kasoo gudbisay in ay shaqooyinka la wadaagto maamulka gobolka Banaadir oo xitaa la arkayay haween badan oo iyagu ka shaqeeynayay arimmaha nadaafadda, gabar Soomaaliyeed oo ka hadlaysay ayaa caddeeysay in iyadu markii dawladdii dhaxe ay burbureeysay da'deedu ahayd 4sano jir oo aysan waxba kala socon qiyamka dawladnimada.

 

Balse ku fikirtay ineey noqoto hal abuur da'yar taasi oo ay ka gaartay heer fiican illaa haatan ay kamid tahay waddaniyiinta sida wayn uga qaybta ah nadaafadda magaalada Muqdisho, taasi oo ay caddeeysay in maalintii ay xoogsataba ay qaadato qiimi dhan illaa $4, maalinta xigtaana ay barato afka Soomaaliga, Carabiga, iyo Xisaabta, kharashkaasi USAID Soomaalia ayaa ka bixiso.

 

Waxyaabaha kale oo ay ha'yaddu ka qabatay Muqdisha waxaa kamid ah in qashinka ay ka qaaddo magaalada si isu socodka dadka iyo gaadiidkuba uu u noqdo mid wanaagsan oo saani ay dadku u adeenkarayaan. Guddoomiya gobolka Banaadir Maxamad Axmad Nuur Tarsan ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii meeshaasi sida wayn uga hadlay isagoo sheegay in ereyga Muqdisho uu yahay mid kasoo jeedo luqadda Carabiga micnaheeduna yahay,= goobtii shaaha= oo dadkii hore iyo taariikhba ay caddaan tahay in Muqdisha tahay magaalo ka fac wayn 1000sano,

 
Waxaa kaloo ay hay'addu soo bandhigtay dhibaatada burcad badeedda Soomaalida taasoo dad badan oo ay lasoo sheekeeysatay ay u sheegayeen in dhibaatadu tahay mid jirta laakiin ay tahay mid iyaguba lagu abuuray sida markii Maraakiibta waawayn ee xeebahooda ku soo xadgudbeen wixii kalluun iyo kheyraad ay lahaayeen iyo shamaagtii ay dhigteenba cardaaduqaha ka dhigtay taasi ayaa dhalisay in dhalinyaradiina arinka Burcadbadeednimada ku dhaqaaqaan, mana haystaan hawl kaloo ay ku kallahaan.

 
Waxay kaloo hay'addu soo bandhigtay sida ay horumarka ugu sii tallaabsaneeyso Somaliland, oo ay  iyagana ka soo gudbisay waxoogaa horumar iyo amni fiican ah.  Waxaa kaloo ay hay'addu sheegtay in iyadu aanay si toos ah lacagaha u siin dawlad iyo hay'adaha, mana in dhaqaalaha lagu dagaayo 5 stars iyo in lagu iibsanaayo guryo toona balse waa mid wax loogu qabanaayo ummad dhibaateeysan, iyadoo jidka ugu habboon loo marinaayo iyagoo xusay in shaqaalaha USAID ay mushahar iyo lacago safarba ku leeyihiin ha'addooda.

 
 
Glopal Peace Aid, GPS, Director Abdirizak M Aaden, iyo E/D Robin, iyo TISBYSOMALIS Zamzam iyo Aden H Yasin, oo iyaguna si gooni gooni ah u hadlay ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii bandhiggaasi kasoo qayb gashay, iyagoo sharraxaad badan siiyay  dadkii kasoo qayb galay, islamarkaana uga jawaabayay su'aalihii ay waydiiyeen si qanac leh.

 
Dhamaan waxgarad Soomaaliyeed, dhalinyaro,iyo aqoonyahanno, ayaa si wayn iyguna uga soo qayb galay, aad iyo aad ayayna  ula dheceen sida ay hay'adda USAID Somaliya, ay hawsha uga waddo dhulkoodii hooyo.

Abdihakim Omar Jimale.
 Boston MA USA.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com