shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Wafi uu Hoggaaminayo Xiriiriyaha Qaramada Midoobey dhanka Bini’aadanimada dalka Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

 

(Boosaaso,  July 12, 2012, Ceegaag Online)

Wafi uu Hoggaaminayo Xiriiriyaha Qaramada Midoobey dhanka Bini’aadanimada dalka Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mark Bowden iyo Wafdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyey magaalada Boosaaso mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire, Wasiiro Kuxigeenada amniga Cabdirisaaq Xareed iyo Cabdijamaal kan gobolka, degmada iyo marti sharaf kale iyagoona intaas ka dib wada qaatay kulan kooban oo ay uga hadleen arrimo farabadan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo ugu horayn hadalo kooban kasoo Jeediyey kulanka ayaa sheegay in maanta ay aad ugu faraxsanyihiin in Mark Bowden iyo Wafdi uu Hoggaaminayo kusoo dhaweeyaan magaalo Xeebeedka Puntland ee Boosaaso.

Wasiir Kuxigeenka Amniga Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil ayaa isna sheegay in hadda ay ka Codsanayaan Qaramada Midoobey in xili kasta ay sii laba Jibaarto taageerida dhanka Bini’aadanimada ay u fidiso Barakacayaasha ku dhaqan Puntland.wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Dawladda Puntland ay wax ka qabataya la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda balse ilaa hadda dhankeeda laga hayn QM balanqaadyo ay sameysay.

Xiriiriyaha Qaramada Midoobey dhanka Bini’aadanimada dalka Soomaaliya Mark Bowden oo hadlay ayaa tilmaamay in isaga iyo Wafdigiisu ay ku faraxsanyihiin Imaatinka magaalada Boosaaso isla markaana waxa uu sheegay in Puntland u yimaadeen in ay kormeer ku sameeyaan habsami u socodka hawlaha hay’adaha UN-ku ka wadaan deegaanada Puntland.

Waxa uu tibaaxay in hadda iyo jeer ay Xooga sarayaan kor u qaadida hamiga dadka Barakacayaasha ee ku dhaqan gobolka Bari iyadoona la isla fiirinayo hannaan taabagal ah oo lagu horumarinayo Xaaladooda guud laga caawin doono baahiyahooda aasaasiga ah ee bulsho.

Xiriiriyaha Qaramada Midoobey dhanka Bini’aadanimada dalka Soomaaliya Mark Bowden

…”" Waxa weeye waxan aad ugu faraxsanahay hawsha aan wadno UNDP ay wado ee Suuq sameynta iyo waxan ku faraxsanahay arrimaha IDP-tyada Qaxoontiga iyo hawlahooda sida kor loogu qaaday gobolka Bari, waxan isla fiirinaynaa hab aan u horumarino xaalada guud ee ka taagan gobolka,waxaan dareensahay idinku aad ila dareesan tihiin in dad soo barakacay oo muddo ku sugan xeryo qaxoonti oo ilaa hadda aan deegaanka hoy ku yeelan iyadoona ay muhiim tahay in loo helo hab sharci ah oo dhul lagu siin karo loona dhisi karo si ay deegaanka uga mid noqdaan….”"”ayuu yir MarkBowden.

Mark Bowden ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ay ku kulmeen Madaxweyne Cabdirismaan Faroole isla mar ahaantaana ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha Bini’aadanimada deegaanada Puntland iyadoona ay Qaramada Midoobey ay ka hirgelinayso deegaanada dhanka Xeebaha mashaariic kor loogu qaadayo tayada dadka kunool .

Si kastaba ha ahaatee Mark Bowden iyo Wafdi uu Hoggaaminayey ayaa galabta booqday Kaamamka ay ku dhaqan yihiin dadka Barakacayaasha ah iyagoo ugu kuurgalay sida ay tahay Xaaladahooda kala duwan ee dhanka nolosha.

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com