shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad lagu xusayay maalinta qaranimada Soomaaliya iyo Canada oo ka dhacay Edmonton, Alberta Canada.

 

(Edmonton,  July 03, 2012, Ceegaag Online)

Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanadguuradii 52aad ee xornimada dalka Soomaliya iyo sanadguuradii 145aad ee maalinta qaranaimada dalka Canada oo iyana ku beegan 1 bisha July ayaa lagu qabtay beerta wayn ee lagu magacaabo Rundle Park ee ku taalla magaalada Edmonton ee dalka Canada.

 

Xafladdaas oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen ururada bulshda ee ka hawlgala magaalada Edmonton iyo guddi odayaal iyo haween ah oo si wayn uga shaqeeyay in xafladdaasi u qabsoonto si wadajir ah islamarkaana hal meel lagu qabto dabaaldagyadii isdabajoogga ahaa ee lagu xusayay maalmaha xorriyada ee Soomaaliya iyo Canada.

 

Sanadkan ayaa aad uga duwanaa dabaaldagyadii hore loogu samaynjiray magaaladan Edmonton iyadoo sanadkan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladan iyo magaalooyinka u dhawba ay isku raaceen in midnimada Soomaaliya la adkeeyo meelna looga soo wada jeesto wixii wax u dhimayaa midnimadaas ka bilaabatay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalka Canada.

 

Waxaa xafladdaas kalaqayb galay dadwaynaha Soomaaliyeed masuuliyiinta dawladda Canada ee heer qaran mid gobol iyo mid degmo sida Mr. Peter Goldring (MP for Edmonton East) oo ah mudane baarlamaan oo heer qaran ah Deron Bilion oo ah mudane baarlamaan oo heer gobol ah iyo Steven Mandel oo ah Mayorka Edmonton.

 

Waxaa xafladdaas lagu soo bandhigay heesaha waddaniga ah, cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo qudbado ay usoo jeediyeen dadwaynaha halkaas isugu yimi masuuliyiinta iyo hogaamiyayaasha ururada bulshada iyo odayaasha magaalada.

 

Xafladdaas ayaa ku soo gabagabowday jawi aad u sarreeyay iyo shucuur wadaninimo iyo is jecayl soomaalinimo oo wajiyadooda ka muuqday dadkii halkaas isugu yimi.

Daawo Sawiradda

 

ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com