shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad qalin jabin ah oo loo sameeyay 24 ardey oo dhamaystay dugsiyada sare ee magaalada Edmonton.

 

(Edmonton,  June 30, 2012, Ceegaag Online)

Xafladan oo ka dhacdey xarunta African Center ee magaalada Edmonton ayaa waxaa lagu maamuusayey 24 ardey oo soomaali ah oo ka qalin jabiyey iskuulada kala duwan ee magaalada Edmonton.

Waxaa ugu horreyn xafladdaas ayaadaha quraanka kariimka ah ku furay Shiikh Cismaan, sidoo kale Waxaa xafladaasi darsin  macluumaad ah oo ku saabsan bililiqada lagu hayo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya sida saliida & gaaska kusoo bandhigay Eng. Abdilahi  Xasan Aw-Muuse oo ku takhasusay cilmiga gaaska iyo patrol-ka.

Waxaa makarafoonka lagu soo wareejiyay oo xafladan  ka hadlay Prof. Abdi Ismaaciil Samatar oo ah macalin maadada Juquraafiga ka dhiga jaamacada Minnesota ee dalka Mareykanka, Prof. Abdi Ismail Samatar ayaa aad u amaaney ardeydii qalinjabisay isagoo ku dhiirrigaliyay in ay jeclaadaan waxbarashada, had iyo goodhna ay noqdaan kuwo hamigoodu uu sareeyo.

Waxaa sidoo kale xafladaasi ka hadley Prof. Mohamud Said Togane iyo Mariam Enow oo labadooduba ardeyda u sheegay in ay yihiin kuwa wax u baranaya dalkoodii Soomaaliya, loogana baahanyahay in ay xoojiyaan sare u qaadida aqoontooda.Ugu dambeyntii ayaa ardayda lagu gudoonsiiyay shahaadooyin.

Xaflada waxaa xidhiidhinayay Abdalla Kulmiye.

Daawo Sawiradda

 

webmaster@ceegaag.com