shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaaraha Soomaalida Dr. C/weli Gaas oo la kulmay dhigiisa Kenya

(Nairobi, Kenya May 28, 2012 Ceegaag Online)

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Mahamad Cali (Gaas) ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Kenya Raila Odinga oo ay ka wada hadleen Arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha Amniga iyo howlgaladda ka socda dalka gudihiisa oo ay ciidamada Kenya qeyb ka yihiin, heshiiskii Addis Ababa iyo shirka Istanbul lagu Wado inuu ka dhaco 31-ka May 2012.

Kulanka ay yeesheeen labada Ra'iisal wasaare ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mahamed Cali Ameriko iyo xubno kale. Ra’iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa ugu horeen soo Dhaweeyey Ra'iisal wasaare Dr. Gaas kuna ammaanay dadaalada socda iyo horumarka baaxadda leh ee Soomaaliya ay sameysey 11-kii bilood ee la Soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dhigiisa soo dhoweynta quruxda badan, isla markaana warbixin dheer ka siiyey Xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dalka iyo Sida ay Soomaalidu uga go’antahay soo afjaridda xilliga KMG ah oo uu Sheegay in madaxda Soomaalida ay Addis Ababa heshiis taariikhi ah ku Soo gaareen oo ay la socoto jadwal mucayan ah oo taariikheysan.

Labada Ra’iisul Wasaare waxey si qoto dheer uga wada hadleen sidii Mudada yar ee ka dhimay 20-ka August si fiican looga faa’iideysan lahaa, Waxey kaloo ka wada hadleen shirka Istanbul 2 oo ay labada Ra’iisul Wasaare isla meel dhigeen qorshaha shirka Istanbul iyo sidii ay uga Wada shaqeyn lahaayeen soo afjaridda Xilliga KMG ah.

ceegaag@hotmail.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com