shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii ka dhacay magaaalada Dhuusomareeb. (Warsaxaafadeed)

 

(Muqdisho May 01,  2012 Ceegaag Online)

Dowladda federaalka  KMG Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud. Afhayeenka dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa Saxaafadda u sheegay in Xukuumadda ay ka xuntahay qaraxii galabta ka dhacay Magaalada Dhuuso mareeb ee gobalka Galgaduud halkaas  oo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadhay qaar katirsan xildhibaanada  dowladda KMG Soomaaliya.

C/raxmaan Cumar ayaa kaloo sheegay in Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed ay ku dhinteen qaraxaasi islamarkaana uu ku dhaawacmay Axmed C/salaam oo Xukuumadii hore ka noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo mas’uuliyiin kale.

Afhayeenka ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay inaysan  intaan ka dib u dul-qaadan doonin in kooxaha nabad diidka ah ay sii joogteeyaan falalkooda argagaxisada ah. Dowladdu waxay sii kordhin doontaa howlgalada looga soo horjeedo kooxdan caadeysatay inay shacabka gumaadaan.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in Warsaxaafadeed ka soo baxay UN-ka, AU iyo IGAD lagu sheegay in cidii ka hortimaada Road-map-ka tilaaba cadd laga qaadi doono islamarkaana loo aqoonsanayo qaswadayaal.

Ugu dambeyntii Afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan hanaanka looga baxayo Kumeel Gaarnimadda islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa dowladd Soomaaliyeed oo rasmi ah.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com