shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhii raajicuun: Xasan Yuusuf Cumar (Mijacase)  oo ku geeriyooday magaalada Fairfax ee gobolka Virginia..

 

(Fairfax, Virginia May 15,  2012 Ceegaag Online)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI”

Waxaa ku geeriyooday Magaalada Fairfax ee gobolka Virginia ee dalka mareykanka Allaha u naxariistee Xasan Yuusuf Cumar (Mijacase). Marxuumka ayaa waxa uu ahaa Nin ku caanbaxay Diin Jacayl, Dal Jacayl & Dad Jacayl,  Waxaan ilaahay uga baryaynaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo dhammaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin.

Waxaa sidoo kale tacsi gaadhsiinaya reer Xasan Yuusuf Cumar Dhamaan Maamulka iyo Howlwadeenada Hay’ada Waxbarashada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SCERDO Waxay Tacsi u dirayaan Dhamaan Reer Yuusuf Cumar gaar ahaan Ismaaciil Xasan Yuusuf (Sanlooran) geerida ku timid ALLE ha unaxariistee aabihiis Xasan Yuusuf Cumar (Mijacase) oo ku geeriyooday Magaalada Fairfax ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka. Waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo dhamaan reer Xasan Yuusuf-na samir iyo Iimaan kasiiyo. Aamiin

Aamiiin.Aamiin. Aamiin.

webmaster@ceegaag.com