shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bayaan uu soo saaray Caaqilka Beesha Geele Abokor ee Hayaag isagoo taageeray go'aankii Caaqilada, guurtida gudaha iyo qurba joogta

 

(Muqdisho May 08,  2012 Ceegaag Online)

Bayaan uu soo saaray Caaqilka Beesha Geele Abokor  ee Hayaag, Caaqil Maxamed Cadde Faarax waxa uu si cad u qeexay mooqifkiisa ku aadan ee uu ku taageerayo  goo’aankii ay dhowaan beesha Hayaag ay kagala noqotay kalsoonidii isinnimo Cabdulahi Axmed Cali Dabagooye.

Caaqilka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “ Aniga oo ku hadlaya maga beesha Geela Abokor, dhamaan inta wanaaga iyo tolnimada jecel, iyo magacaygaba waxaan si cad oo aanay mugdi ku jirin u taageerayaa bayaankii ay Beesha Hayaag u dhameyd ee xilka  isinnimo looga qaaday Cabdullahi Axmed Ali Dabagooye” 

Caaqilku waxa uu sheegay inuu go’aankaa uu ku taageerayo xilkaqaadista uu gaaray kadib markii uu baaray xaaladaha iyo duruufaha jira,  danta guud ee beesha Hayaag,  la tashi dheer oo uu la yeeshay waxgaradka iyo aqoonyahano ka soo jeeda  beesha, iyo fakar in mudo qaatay dabadeed.

Caaqilka waxa uu tilmaamay go’aankaa uu qaatay inuu ahaa go’aan adag, haseyeeshee uu ahaa kii ugu haboonaa ee uu qaadan karayay uuna filayo in Hayaag sida uu u dhanyahay  isku afgarto halka ay danta guud iyo mustaqbalka beesha Hayaagi  ku jirto, ee aan la eegin waxyaaba kala dilaya beesha walaalaha ah, ee kala qeybinaya midnimada Hayaag.  Wabilahi watowfiq.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com