shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyada Khaatumo State ee dalka Bijemka oo shir Caalami ah qabsaday gudina doortay.

(Antwerp.  May 14, 2012 Ceegaag Online)

Shir ay isugu yimaadeen inta badan jaaliyada Khaatumo state ee kunool wadanka Biljemka iyo weliba marti sharaf laga soo casuumay wadanka Holland, oo si aad u wanaagsan looga soo shaqeeyey qaban qaabadiisa ayaa wuxuu ka dhacay wadanka Biljamka

Shirka ayaa waxaa lagu furay aayadaha qur aanka kariimka ah intaa ka dib  waxaa hadalkii bilaabay Maxamed Cige Xasan oo ka mid ah jaaliyada Khaatumo ee biljamka oo sheegay in ay muhiim  tahay isku xidhnaanta iyo wax wadaqabsiga reer khaatumo iyo weliba in loo baahanyahay in ay hiil iyo hooba isla garab taagaan Dowladooda Cusub ee ka dhalatay deegaamada SSC ee Khaatumo State Of Somaliya.
 
Maxamed Ayaa wuxuu u mahadceliyey Martisharaftii uga timi wadanka Holland ee ka soo qaygashay shirka iyo weliba dadweynihii ka kalayimo daafaha wadanka biljem wakhtigoodii qaaliga ahaana soo siiyey si ay uga qayb qaataan wax uqabashada dalkii iyo dadkii Reer Khaatumo.

intaas ka dib waxaa Microphone-ka lagu soo dhaweeyey Axmed C/laahi Faarax Caateeye oo ka mid ah jaaliyada Reer khaatumo ee Biljamka  sheegayna in ay ka qaybqaateen hawlaha kasocda deegaamadii khaatumo hadana ay diyaar u yihiin in ay hiil iyo hooba isla garabtaagaan dalkii iyo dadkiiba iyo weliba dawlada laga yagleelay magaalada taariikhida ah ee Taleex ee Khaatumo State of Somalia.

Waxaa isna lagu soo dhaweeyey Codbaahiyaha Maxamed Xasan Cali (Taleexi) oo  ka tirsan jaaliyada khaatumo ee Biljemka wuxuuna sheegay in ay lagmamaar maantahay in ay isku xidhmaan isla markaana ay wada shaqeeyaan guud ahaan jaaliyadaha iyo dadyowga reer khaatumo gude iyo debedba,reer biljemna looga baahanyahay in ay la jaanqaadaan oo ay kaalintooda ku aadan ka qaataan sidii ay iyaguna isugu xidhnaan lahaayeen dalkii iyo dadkiina howlaha kasocda qayb weyn oo lixaadleh uga qaadan lahaayeen.Axmed ayaa sigaara ugu mahadnaqay martidii reer Holland ee shirka lagu casuumay gaar ahaan gabdhihii isagooyidhi waxaa maanta noo yimi samawada iyo Khayrwada waa Nasra fuje.
 
intaas kadib waxaa lagu soo wareejiyey dhankii martidii reer Holland ugu horayna waxaa halkaas ka hadlay C/laahi Galoos oo aad ugu dheeraaday islamarkaana ka warbixiyey xaaladaha kala duwan ee uu soo maray maamul usamaynta Deegaamada SSC gaar ahaan markii la yagleelayey Dawlada Goboleedka Khaatumo oo uu goobjoog ka ahaa islamarkaana ka mid ahaa ragii qurbaha uga sacdaalay sidii ay u hirgelinlahaayeen maamulkaas.
 
C/laahi ayaa wuxuu ka sheekeeyey culaysaka iyo dhibaatooyinka kala duwan ee soo wajaahay markii la qaban qaabinayey shirkii gudaha ee lagu qabtay magaalada taariikhiga ah ee Taleex iyo isku duubnidii iyo dhabar adaygii lagaga gudbay,wuxuuna sheegay in loo bahanyahay in la ilaashado islamarkaana laygarabtaago maamulkaas oo cida loogabaahanyahay in ay hawlgeliyaan ay yihiin dadka udhashay khaatumo gude iyo debedba.
 
waxaa iyana hadalkii lagu soo dhaweeyey Nasra Fuje (khayrwada) oo ka mida jaaliyada khaatumo ee wadanka Holland waxayna kula dar daarantay reer biljam in ay midoobaan islamarkaana ay rag iyo dumarba gacmaha isqasadaan,nasra ayaa waxay sigaara farta ugu muday in anaay indhaheedo qaban dumarkii reer biljam oo ay goobta ku yaryihiin sheegtayna in jaaliyadwalba ay udub dhexaad u yihiin haweenku loogana baahanyahay in ay qayb libaaxle ka qaataan sidii ay dalkooda iyo deegaamadooda u hora marin lahaayeen.
 
intaas kadib waxaa lagu dhawaaqay in ay doorteen gudi ka kooban shan xubnood oo ay macagyooduna kala yihiin:
 
1-Jaamac Faarax Jaamac
2-Axmed C/laahi Faarax Caateeye
3-Ayaan Maxamed xasan
4-Jaamac Cali Cabdi
5-Maxamed Cige xasan
 
Waxaa kale oo isla goobtaas lagu doortay laba xubnood oo uga qaybgelaya gudiga guud ee khaatumo state ee fadhigeeduyahay wadanka Holland oo ay magacyadooduna kala yihiin.
 
1-Maxamed xasan Cali (Taleexi)
 
2-Farxaan Maxamed Caligaas
 
shirkan oo ahaa shirkii ugu horeeyey ee ay isuyimaadaan in mudo ah jaaliyada khaatumo state ee wadanka biljamka ayaa wuxuu ahaa mid aad uga dheehanayso farxad iyo rayn rayn ka muuqata dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirka iyo martidii lagu casuumayba.

Daawo Sawiradda


 
Abdirashiid Galbeedi (dhilaalo1@hotmail.com)
 
Bilgem.

webmaster@ceegaag.com