shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ogeysiis ku socda somalida Oslo, Norway

(Oslo, Norway.  May 13, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan dadweynaha Somaaliyeed ee deggan Norway, gaar ahaan Oslo iyo Nawaaxigeeda in ay ka soo qeyb galaan shirka ama kulanka lagu diiwaan gelinayo golaha dhexe ee Xisbiga Tayo Political Party.

Qof waliba oo ka madax-banaan qabyaalad waa uu ka qeyb-qaadan karaa ka mid noqoshada Xisbiga Tayo PP . Shirka waxa uu ka dhacayaa Grønland Postkontor korkeeda (Smalgangen), maalinta Sabtida 19.05.2012, saacada 15.00-20.00.

Ka dib waxaan sheegi doonaa waqtiga la qabanayo xafladda furitaanka Xafiiska Norway ee Xisbiga Tayo PP.

Xafladda furitaanka xafiiska Tayo ee Norway waxaa ka sooqeyb geli doona Wafdi ay hogaaminayaan Madaxda Sare ee xisbiga tayo Dressa. Maryan Qaasim iyo mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Afhayeenka Xisbiga Tayo PP Norway
Ali Abdullahi Hassan (Ali Ganey)
Tlf.00 47 9824 16086

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com