shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Dhigiisa Turkiga

 

 

(Istanbul,  May 31 2012, Ceegaag Online)

 Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra段isul Wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dalka, shirka Istanbul ee arrimaha Soomaaaliya iyo soo afjaridda Xilliga KMG ah.

Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Turkiga, isla markaana uga mahadceliyey doorka hoggaamineed ee saliimka ah ee Turkiga uu ka qaato arrimaha Soomaaliya iyo weliba shirka Istanbul 2 ee arrimaha Soomaaliya oo uu Ra段isul Wasaare Abdiweli sheegay in Somalidu ay rajo weyn ka qabaan shirkan.

Labada mas置ul ayaa si saraaxad leh uga wada hadlay arrimaha Soomaaliya, sida Roadmap ka dhaqangelintiisa, dadaalada Turkiga ay ka wadaan dalka Soomaaliyeed ee ku wajahan mashaariicda horumarineed, dhanka gar-gaarka bani誕adanimo, iyo howlo ballaaran ee ku wajahan dhanka waxbarashada, caafimaadka, iyo dhammaan adeegyada bulshada.

Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya waxuu si gaar ah uga mahadceliyey dhigiisa Ra段isul Wasaaraha Turkiga safarkiisii taariikhiga ahaa ee uu bishii August ku yimid Soomaaliya oo uu sheegay inay keentay in beesha caalamku ay u soo jeestaan arrimaha Soomaaliya. Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya waxuu sheegay in labada dal ay wadaagaan taariikh facdheer iyo xadaarad wanaagsan, isla markaana uu u sheegay dhigiisa in Soomaalida meel walba ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibediisaba ay aad iyo aad ula dhacsanyihiin dadaalada Turkiga ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya kana codsaday inay sii labo jibaaraan.

Dhanka kale Ra段isul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ayaa u mahadceliyey Ra段isul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali iyo sida hogaanka fiican ee uu isbedelo dhab ah uga sameeyey Soomaaliya una rajeeyey in Soomaaliya xal waara loo helo oo ay Dowladda Turkigu ay aad iyo aad uga shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay cagaheeda isagu taagi laheyd.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com