shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wiilal Soomaali ah oo dib ugu kulmay 21 sanno kadib Kaam ku yaala Waqooyiga Norway.

 

(Norway May 16,  2012 Ceegaag Online)

Labo wiil oo walaalo ah oo kala lumay iyaga oo 11 iyo 12 jir kala ah ayaa si lama filaan ah waxay iskugu arkeen waqooyiga dalka Norway ee qaarada Yurub iyadoo ay tani qeyb ka tahay dhibaatada haysata qoysas fara badan oo Soomaali ah kadib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka bilowday sanadkii 1991-kii.

Wiilka wayn oo lagu magacaabo Liibaan ayaa isaga oo kaam ku jira wuxuu wiil kale uga sheekeeyay in hada ka hor walaalkiis oo ka yar ay kala lumeen, wiilkii sheekada dhageysanayay ayaa ku yiri sheekada aad sheegaysid hada ka hor waxaa iiga isna iiga sheekeeyay wiil kale oo ku jira kaam kale oo ku yaal waqooyiga Norway, Halkaas waxaa ka dhashay dareen ah in Labada ruux ee Labada kaam ku kala jira ay dhici karto inay yihiin kuwa is raad sanaya oo kala maqan oo walaalo ah. Intaas kadib ayay wiilashii wada hadleen isna garteen kuna kulmeen iyagoo waliba laga daawanayo Tv-ga ugu weyn dalkaas Norway.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com