shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxgaradka deegaanka hawdka iyo Buuhoodle oo gaadhay magaalada Qararo galbeed
 

(Buuhoodle,  March 28,  2010 Ceegaag Online)

Cuqaasha Culumada, waxgaradka deegaan Buuhoodle ayaa saaka magaalada Buuhoodle uga baxay dhinaca magaalada Qararo galbeed oo maanta lagu wado in magaaladaasi lagu Qaybto xaflada balaadhan oo lagu kala wareejinayo duunyo ay kala qaadanayaan qaarkamid ah ardaayada deegaanka Howdka oo dhawaan xurgufi ku dhexmartay magaalada Heegaale.
 
 
Waxgaradkan oo saaka Ceegaag online u Waramaya ayaa sheegay inay ku Sii Jeedaan magaalada Qararo galbeed halkaasi oo ay sheegeen in lagu kala Qaadanayo mag dhawaan lagu Xukumay Qaarkamid ah ardaayada deegaanka Howka inay si deg deg ah ku bixiyaan.
 

Cuqaasha ayaa sidoo kale Ceegaag.com u sheegay maanta inay gabi ahaanba arintaasi Xiisada dhalisay maanta soo afjarayaan kadib marka duunyada lagu kala Qaado magaalada Qararo beeluhuna halkaasi lagu wado in heshiis horay loo kala dhex dhigay halkaasi lagu fuliyo maanta magaallada Qararo galbeed, waxna kaloo maanta iyana deegaanka Qararo gaadhay dhamaan waxgaradka Hawdka sare oo iyagu kaalin lixaad leh ka Qaatay heshiisiinta beelahaasi.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com