shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 
Isku aadkii Kooxaha Horyaalada Qaarada Europe ee knockout ka oo maanta dhacay.

 
Kooxaha Horyaalada Qaarada ee Europe ee ku tartama hanashada Koobka " UEFA Champions League Trophy" ayaa iskugu aaday maanta sidan:
 
Kooxda Real Madrid ee Dalka Spain oo sagaal jeer oo hore ku Guuleesatay Koobkan ayaa waxay la ciyaaridoontaa Kooxda Bayern Munich ee Dalka Germany oo iyada afar jeer oo hore ku guuleesatay.
 
Kooxda Arsenal ee Dalka England ayaa iyadu la ciyaaridoonta Kooxda PSV Eindhoven ee Dalka Holland.
 
Kooxda Manchester United ee Dalka England ayaa iyadu la ciyaaridoonta Kooxda Lille ee Dalka France.
 
Kooxda Barcelona ee Dalka Spain oo ah kooxda difaacanaysa koobkan maadaama ay qaaday sanadkan horaantiisii  ayaa waxay la ciyaaridoontaa Kooxda Liverpool ee Dalka England oo iyadu qaaday sanadkii hore.
 
Kooxda Inter Milan ee Dalka Italy ayaa la ciyaaridoonta Kooxda Valencia ee Dalka Spain .
 
Kooxda Chelsea ee Dalka England ayaa la ciyaaridoonta Kooxda  Porto ee Dalka Portugal .
 
Kooxda Lyon ee Dalka France ayaa la ciyaaridoonta Kooxda Roma ee Dalka Italy.
 
hadaba 16 kan kooxood ayaa waxay ka kala socdaan wadamada Spian,(3) England,(4) Italy (3) France ( 2) Germany (1)  Holland (1) Portugal (1) Scotland (1) .
 
Kooxaha ayaa loo qaybiyay labo Group taas oo macnaheedu yahay in ay kala ciyaaridoonaan labo habeen oo isku xiga waxay u kala dhicidoonaa wareega hore & ka dambe sidan:
 
     First Leg February 20, 2007   Second Leg  March 7, 2007
 
PSV               Vs    Arsenal
Lille                 Vs  Man. United
Real Madrid   Vs    Bayern Munich
Celtic              Vs    Ac Milan
 
 
First leg  February 21, 2007  Second Leg    March 6, 2006
 
Roma           Vs      Lyon
Barcelona     Vs     Liverpool
Inter Milano    Vs    Valencia
Porto              Vs    Chelsea
 
   
ha u daymo la'aan ee kala soco halkan wixii soo kordha.
 
"the Greatest Club Football Tournament  in the World"  UEFA Champions League.

 
Qormadii Spoortiga.

webmaster@ceegaag.com