shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxay dhalinyarada soomaliyed badankooda ugu fakarayaan inay guursadaaan dumarka qurbaha ku nool.

                                                       (Hargaysa,  August  09, 2007 Ceegaag Online)

Ilaah ayaa mahad ooo dhan iska led

 

Kadib markii ay burburtay dowladiii dhexe ee soomaaliyeed  waxaa wadanka intiisa badan saameeyay dagaalo sokeeye taasoo sababtay inay dadka barkacaan qaar wadanka gudihiisa ku bara kaca iyo qaar iyagu jaanis u hela inay u qaxaan wadanaka debediisa sida Europe America iyo asia taasi ooo runtii saameyn weyn ku yeelatay dadka soomaaliyeed ee ku nool gudaha wadanka .

 

Hadaba. Dhalinyarada soomaaliyeed ee wadanaka gudihiisa ku nool ayaa iyagu waxa ku fakaraan laba arimood oo ay is leeyihiin waad kaga bixi kartaaan wadanaka.

 

1)     inay tahriibaaan, tahriibkaasoo dhowr siyaabooob ka kooban. Kuwo iyaga mara dhankaa iyo libiya kadibna doonyo ay iyagu gacantooda ku sameeysteen ay kaga gudbaan badweynta medeterian ka iyagoo aaminsan nolol iyo geeri

 

1)     halka kuwo kale ay ka dhex raadiyaan dadka soomaaliyeed ee debedaha ku nool ee kusoo noqonaya wadanka xiliga xagaaga, gabadh ay guursadaan si ay ugu dacwooto oo ay tidhaaho ninkeeygii baa iga maqan tasoo u sahleeysa inuuu Africa kaga baxo waxaanad moodaa inay  kusoo badaneeyso sedexdii sano ee ug dambeeyay  dhalinyarada dhexdooda

 

 dhibaatooyin fara badan ayaa soo gaadha labada dhinacba

 

1)     waaa mida koowaade . gabadhii oo aaminsan ninkani inay kasoo kaxeeysay wadan faqri ah keentayna wadan qani ah waaa siday u aragto iyada

2)      ninkiii oo isaguna ku abuuran raganimadii  ilaaheey ugu tala galay  oo doonaya wax kastaahiba inuu isagu maamulo taasoo laga yaabo inay ku keento  dhib fara badan ay ugu horeeyso qoyskii oo burbura.

3)     Labadii qof oo lunta kalsoonidii ka ddhexeeysay oo qofba qofka kale uu ka shakiyo waayo labadani qof muu  dhex marin wax jacayl ah duruuf ayaa isu keentay  taasoo dhalisay sheekooyin fara badan oo aan halkaan lagusoo koobi Karin.

Waxaaad arkeeysaa wiilkii ooo guursnaya gabadh aad iyo aad uga weyn markii iaad weeydiiso waar waa side ? wuxuu ku odhanayaa Africa ayaan kaga baxayaa ee saaxiib guurkii asalka ahaa wali iimeey gaaadhin.

 

 

La soco qeybta 2 aaaad     Iyo dhacdooyin layaab leh

 

 

QORE:    Aadan c/lahi     (aadandeq

Hargeisa , soomaliland

Aadandeeq2@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com