shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

ADAABTA SALAADA CIIDA    

(Boston, December 15, 2007 Ceegaag Online)

Waxaa la wada ogsoon yahay ummad walba waxay leedahay ciido u gaar ah iyo meelo gaar oo ay weyneeyaan. Annagu haddaan Muslimiin nahay waaxaan leenahay labo ciidood oo kaliya. Kuwaasoo kala ah 1. Ciidda Soonfur 2. Ciidda Carafo .Waxaa kaloo jira ciidda todobaadka oo ah malinta Jimcaha.
 
Anas Ibnu Maalik Allah ha ka raali noqdee wuxuu yiri:
"Markii Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahatee Madina u soo hijrooday waxaa jiray, labo maalmood oo la xurmayn jiray kuwaasoo ahaa labo maalmood oo jaahiligii sifiican loo cayaari jiray. Nabiga Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee marku ogaaday labadaas malmood inay ciyaari jireen oo farxii jireen, wuxuu u shegay in Allah ugu baddalalay labo maalmood oo ka khayr badan oo kala ah: Ciidul-Fitri iyo Ciidul -Adxaa.
 
 

ADAABTA SALAADDA CIIDA


Dad badan ayaa iska fududaysta Salaadda Ciidda ayagoo ku andacoonaya inay sunno tahay! . Laakiin arrinkaas sax ma aha, maxaa yeelay culumada Islaamka qaar ka min ah waxay qabaan iyagoo daliil iyo xujo haysta in Salaadda Ciiddu ay waajib tahay. Culumadaas waxaa ka mid ah:
1.
Imaan Abuu-Xaniifa, 2. Shiikhul Islaam Ibnu Teymiya, 3. Imaam Shawkaani, 4. Shiikh Albaani iyo kuwo kaleba.
Imaam Shawkaani wuxuu yiri: "
Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee weligiis kama tegin Salaadda Ciidda, wuxuu amray dadka inay Salaadda u baxaan. Wuxuu Nabigu Nabad galyo iyo Naxaarisi dushiisa ha ahaate amray in haweenka guryaha laga soo saaro xataa kuwa caadada qaba iyo in kuwa maqabiyooyinka ahba si ay kharyrka iyo weyneynta Ciidda ula wadaagaan dadka kale. Haweeneydii aan xijaab heli karin Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee wuxuu amray in ay saaxiibteeda ka amaahato. Arrimahaas oo dhami waxay caddaynayaan in Salaadda Ciidu waajib tahay.
Waxaa kaloo culumadu waajibnimada Salaadda Ciidda ay daliil ka dhigteen in haddii Ciidda ay ku soo beeganto maalin Jimce ah, Salaadda Jimcaha waxay noqonaysaa khayaari oo waajib ma'aha ,Arrinkaas Nabiga Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee ayaa xadiis saxiix ah ku xusay. Culumadu waxay arrintan kala soo dhexbaxeen in haddii salaadda Ciiddu ay waajib tahay, haddii kale ma ayan awoodeen in ay Jimcaha rido, sidaas daraadeed Salaadda Ciiddu waa waajib maadaama Salaaddi Jimcaha darteed loo baajiyay. Haddii aan u soo noqono aadaabtii Ciidda waxaa ka mid ah :


1. ISDAAHIRIN


Isdaahirintu waa in subaxa Ciidda la qubaysto lana xirto dharka markaa la haysto kan ugu wanaagsan, lana is carfiyo gaar ahaan Ragga, maxaa yeelay Haweenka Muslimiinta ah waa ka xaaraan inay is carfiyaan markay Ciidda ama Masjika ama dibadaha ay aadayaan. Arrinkaas Haween badan ayaa ku gabood falay, oo waxaad moodaa in la yiri quruxdiina muujiya maalinta Ciidda. Marka Haweenku Allah ha ka baqaan oo ha ilaaliyaan xuduudda Alle. Waxaa iyadana xusid madan in ragga qaar ay munaasabadda Ciidda ay garka xiiraan shaarubadana sii daayaan iyagoo qurux moodaya, waxayse hilmaansan yihiin inay taasi tahay gaalo isku ekaysiin. Raggaas waxaan xusuusinaynaa in quruxda iyo haybadduba ay ku jirto ku dayashada Rasuulkeeni suubanaa Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaate, oo na amray inaan garka sii dayno shaarubadana gaabinno.


2. Adaabta Cuntada


Waxaa sunna ah in salaadda Ciidda Carafo inaan wax la cunin salaadda ka hor, laakiin ciidda soonfureed (fitriga) waxaa sunna ah in lagu af bilowdo xabado timir ah oo tiro is dheer ah (kisi).


3. Takbiirta


Takbiirta (Allahu Akbarta) waa in lagu dhawaaqo korna loo qaado inta ciidda loo socdo. Waxaa dad badani caado ka dhigteen inay sheekaystaan inta Ciidda loo socdo, waxaan idiin dardaarmayaa in arrintaa laga waantoobo. Salaadda Ciidda waa labo rakcadood , mana laha wax sunno ah oo ka horreeya ama ka dambeeya. Sidoo kale malaha Aadaan iyo Iqaamo. Sida lawada ogsoon yahay salaadda Ciidda waa labo rakco, rakcadda koowaad toddobo jeer ayaa Allaahu Akbar la oronayaa, rakcadda labaadna shan jeer baa Allaahu Akbar la oronayaa..
 
 
Dhamaantiin walaaladayda muslimiinta ah waxaan idinka codsanayaa in aan isku soo ducayno INsha Allah:

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com