shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isku Aadkii Kooxaha Horyaalada Qaarada Europe ee is reeb-reebka oo maanta la Shaaciyay.

(Nyon Switzerland, December 21, 2007 Ceegaag Online)

Kooxaha Horyaalada Qaarada ee Europe ee ku tartama hanashada Koobka " UEFA Champions League Trophy" ayaa iskugu aaday maanta sidan:

Kooxda Real Madrid ee Dalka Spain oo sagaal jeer oo hore ku Guuleesatay Koobkan ayaa waxay la ciyaaridoontaa Kooxda Roma ee Dalka Talyaaniga.

Kooxda AC Milan  ee Dalka Talyaaniga oo ah Kooxda Difaacaneysa Koobkan Maadaama ay qaaday sanadkan Horaantiisii ayaa iyadu la ciyaaridoonta Kooxda Arsenal ee Dalka England.

Kooxda Manchester United ee Dalka England ayaa iyadu la ciyaaridoonta Kooxda Lyon ee Dalka France.

Kooxda Barcelona ee Dalka Spain ayaa waxay la ciyaaridoontaa Kooxda Celtic ee Dalka Stocland.

Kooxda Inter Milan ee Dalka Italy ayaa la ciyaaridoonta Kooxda LIverpool ee Dalka England

Kooxda Chelsea ee Dalka England ayaa la ciyaaridoonta Kooxda  Olympiakos ee Dalka Greece.

Kooxda Schalke  ee Dalka Germany ayaa la ciyaaridoonta Kooxda Porto ee Dalka Portugal

Kooxda Seville ee Dalka Spain ayaa la Ciyaaridoonta Kooxda Fenerbahce ee Dalka Turkey.

                                

Kooxaha ayaa loo qaybiyay labo Group taas oo macnaheedu yahay in ay kala ciyaaridoonaan labo habeen oo isku xiga waxay u kala dhicidoonaa wareega hore & ka dambe sidan:

Is Araga hore ayaa Dhicidoona  19/ 20  Bisha February,  Is Araga Labaadna waxa uu Dhicidoona 4/5 Bisha March.

Ha u daymo la'aan ee kala soco halkan wixii soo kordha.

"The Greatest Club Football Tournament in the World" UEFA Champions League.

Celtic            v    Barcelona
Lyon             v    Manchester United
Schalke        v     Porto
Liverpool       v     Inter Milan
Roma            v     Real Madrid
Arsenal          v     AC Milan
Olympiakos    v     Chelsea
Fenerbahce   v      Sevilla

LMA

bernabeu_nabil@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com