shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kaka oo loo Caleemo saarey Xidiga Kubada Cagta ee Sanadka 2007.

(Zurich, December 18, 2007 Ceegaag Online)

Xidiga qadka dhexe ee AC Milan iyo Qaranka Brazil Ricardo Izecson dos Santos Leite (Kaka) ayaa noqday Xidiga Kubada Cagta ee Sanadka 2007.

Kaka ayaa Codeyntii loo qaaday  ku hantiyey 1,047-Cod kuna hantay Guusha Kaalinta Koowaad, Kaalinta Labaad waxaa ku Guuleystay Xidiga Qaranka Argentina Lionel Messi una Ciyaara Kooxda FC Barcelona oo Helay 504-Cod, Kaalinta Sedexaadna waxaa galay Xidiga Reer Portuga Cristiano Ronaldo una Ciyaara Kooxda Manchester United oo Helay 426-Cod,

Boqorka Kubada Cagta Pele ayaa isna la Gudoonsiiyay Abaalmarinta uu Bixiyo Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Aduunka (Fifa).

Xaga Dumarka Ciyaaryahanada khadka dhexe uga ciyaarta Wadanka Brazil ee Marta ayaa gashay kaalinta Koowaad iyadoo heshay cod dhan 988 halka Ciyaaryahanada wadanka Jarmalka  ee Birgit Prinz  ay gashay kaalinta Labaan heshayna cod dhan 507, waxaa sidoo kale kaalinta sadexaad gashay Ciyaaryahanada Cristiane oo iyaduna u dhalatay wadanka Brazil oo heshay cod dhan 150.

Sanadkii hore waxaa Abaal marinta helay ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara Kooxda Caanka ah ee Real Madrid iyo Qaranka Talyaaniga Fabio Cannavaro oo kabtan u ahaa xulkii Talyaaniga ee hantey koobkii Aduunka ee 2006 lagu qabtay dalka Jarmalka.

Ciyaaryahanadii horay ugu Guuleestay Abaalmarintan FIFA PLAYER OF THE YEAR AWARD 
intii la bilaabay sanadkii 1991.
 
1991: Lothar Matthaeus (Germany)
1992: Marco van Basten (Netherlands)
1993: Roberto Baggio (Italy)
1994: Romario (Brazil)
1995: George Weah (Liberia)
1996: Ronaldo (Brazil)
1997: Ronaldo (Brazil)
1998: Zinedine Zidane (France)
1999: Rivaldo (Brazil)
2000: Zinedine Zidane (France)
2001: Luis Figo (Portugal)
2002: Ronaldo (Brazil)
2003: Zinedine Zidane (France)
2004: Ronaldinho (Brazil)
2005: Ronaldinho (Brazil)
2006: Fabio Cannavaro (Italy)
2007: Kaka (Brazil)
LMA
bernabeu_nabil@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com