shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Go’aanadii shirkii ka dhacay Columbus, Ohio

(Columbus, Feb 19 2007, Ceegaag Online) 

Ku: Warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa SSC

 

Uj: Warbixinta go’aanadii shirkii ka dhacay Columbus, Ohio

 

Sida aad la socotaan waxaa ka dhacay Magaalada Kolombas ee cariga Mareykanka shir uu isugu yeedhay, hogaaminiyayna Garaad Jama Garaad Cali kaas oo runtii ku dhamaaday guul , go’aamo dhaxal gal ahina ka soo baxeen.

Waxaanu ku boorinaynaa bulshada ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn inay u-guntadaan sidii ay go’aamadaasi ku hirgeli lahaayeen (Wixii rag u kaco rabina aqbalo waa rumoobaan)..

Shirku wuxuu u-qeysanaa labo qeybood oo kala ah:

           

1Qeybta Turxaan bixinta

QQeybta Turxaanbixinta guud ee reerka, gaar ahaana dib u eegida hawlaha hey’ada loo yaqaan SSHDA ee horumarinta adeegayada bulsho ee gobolada aynu ka soo jeedno (Sool, Sanaag iyo Cayn) waxaana si saraaxad leh looga dooday arrimahan:

 

    * Maxay hada ku suganyihiin hawlaha hey’adu (current status of the agency)

    * Maxay soo qabatay hey’adu iyo mashaariicda hada socda (accomplishments, ongoing projects)

    * Maxay yihiin dhaliilaha jira iyo sababaha keenay (shortcomings and reasons)

    * Dib u saxida iyo dardar gelinta hawlaha hey’ada (corrective measures as needed)

 

Arrimahaas iyo kuwa kale oo badan waxaa ka warbixiyay maamulka hada wada hawlaha hey’ada oo ay ka wakiil ahayeen;

Injineer Mohamed Hassan Haji              Gudoomiyaha Hey’ada

Adan Weli Warsame                             Xisaabiyaha Hey’ada   

Markii la galay dood adag oo mudo dheer socotay qof waliba loo fasaxay inuu ka dhiibto ra’yigiisa xaalada guud iyo tan hey’daba garaadkuna marba tusaalooyin ka bixinaayay ayaa si ku dhisan dimuqraadiyad loogu codeeyay lana qaatay go’aamadan soo socda:

 

Qodobka 1-aad:

Iyadoo la tixgelinaayo baaxada hawlaha turxaanbixinta oo runtii aad loogu baahanyahay inay qeybaha gala duwan ee bulshadu ee ku kala nool dibada iyo gudaha dalkuba ka qeyb qataan ray’igoodana ka dhiibtaan ayaa waxaa la gudoonsaday in lagu sii ambo qaado shirka ka dhici doona gudaha dalka ama Lascaanood sanadka dhamaadkiisa.

 

Qodobka 2-aad:

Ka dib markii la tixgeliyay  codsi ka yimid Guddiga Maamulka Hey’ada SSHDA ku salaysan baahida maamul ee hada jirta iyo sidii loo hanan lahaaa ayaa la go’aansaday arrimahan soo socda:

 

  • Maamulka hada jira oo sii wada hawlaha inta laga gaadhaayo shirka sanadkii hal mar la qabto oo ka dhici doona gudaha dalka sanadkan
  • In ka mid noqoshada hey’adu noqoto mid u furan qofkasta oo Dhulbahante ah oo aan lagu xidhin lacagta diiwaangelinta.
  • Dib u-eegida qaabka iyo xadiga lacagta diiwaangelinta ah ee aheyd $100.00.
  • Inay guddigu soo diyaariso xisaab xidh tafatarin oo la soo hordhigo golaha guud
  • Gobol waliba inuu sameysto guddi tayo leh oo lagala soo xidhiidho arrimaha tolweynaha taas oo ku salaysan codsi horey uga yimid Garaad Jama.

 

Qodobka 3-aad:

Si loo helo xogta dhabta ah ee waxqabadkii iyo dhaliilahii hey’ada ee ilaa maalintii la soo dhisay ayaa shirku u-xilsaaray arrimahaas gudigan soo socda:

 

I.                    Abdulaahi Faarax Cashuur

II.                 Cabdiwahab Maxamed Yuusuf

III.               Xuseen Maxamed Xaaji Cali “Fiin”

 

Qobodka 4-aad

Waxaa la go’aamiyay in tirada gudiga hey’ada SSHDA la kordhiyo si ay u-hantaan hawlaha baaxada leh ee horyaal waxaana lagu daray xubnaha soo socda:

 

A.     Cabdi Bile Cabdi

B.     Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax “Shoombe”

C.     Cabdixaliim Rashhid Abdirahman

D.     Abdimalik Maxamed Askar

E.      Dr. Aadan Jaamac Faarax “Adan Black”

F.      Maxamed Abdi Diiriye “Qoormadoobe”

 

Qodobka 5-aad:

Waxaa la go’aamiyay samaynta gudi la talisa gudiga fulinta ee hey’adda SSHDA, oo isku daya  xal ka gaadista wixii cabashooyin ah ay soo gubiyaan maamulayaasha hey’adu ama dadweynuhu ee hadba soo kordha inta u- dhaxeysa xiliyada shirarka guud la qabto oo ah sanadkii hal mar.

 

A.     Danjire Maxamud Xaaji Noor

B.     Cismaan Xaaji Yusuf

C.     Cali Ciise Cabdi

D.     Maxamuud Cismaan Cawad

E.      Xaaji Cali Cawl

F.      Abdulaahi Shariif Dhegacade

G.     Fatxi Sheekh Cisman Xaaji Cumar

H.     Axmed Maxamed Abdi “Ahmed Shukri”

I.        Ahmed Bootaan Dakaar

J.       Ibraahim Sheekh Jaamac

K.     Cabdulqaadir Axmed “Xandule”

L.      Maxamed Xasan Maxamuud

M.    Maxamuud Maxamed Cali “Cadani”

N.     Cabdirisaaq Saleebaan “ Sancad”

O.     Mohamed Diiriye Faarax “Garabyare”

P.      Maxamed Jaamac Cabdi Bile “Chief”

Q.     Gargaar Bile Hassan

 

Xubnaha Soo socda ayaa soo jeediyay xubnaha gudiyada kala duwan ee turxaan bixinta oo uu soo gudbiyay garaadka isaguna ka aqbalay:

 

A.     Cismaan Haji Yuasuf                                                                       Gudoomiye

B.     Danjire Maxamuud Haji Nuur                                              Xubin

C.     Sareeye Guuto Maxamuud Jaamac “Boodhe”                       Xubin

D.     G/le Sare Ahmed Maxamed Abdi “Ahmed Shukri”                Xubin

E.      Dr. Cabdifataax Khalif Xaaji Faarax “Baadiye”                    Xubin

F.      Injineer Ibraahim Sheekh Jaamac                                         Xubin

G.     Injineer Maxamuud  Maxamed Cali “ Xoghayn”                    Xoghayn

 

Qeybta 2-aad ee shirka:

 

Waxaa lagaga Hadley shirka lagu qabanayo sannadkan dalka gudihiisa, gaar ahaan magaalada LaasCaanood oo uu gudoominaayay Maxamed Hasan Maxamuud “Abgaalow”  waxaana dood dheer ka dib kasoo baxay qodobadan soo socda:

 

II.        Xiligga Shirku waa 20-ka Oktoobar, 2007 madashuna waa LaasCaanood

 

II.      Waqooyigga Ameerika waxaa ka tegayaa wefti ka kooban 21 xubnood oo loo qeybiyay sidatan:

Gobolka Minesota                                        5 xubnood

Gobolka Ohio                                              4 xubnood

Gobolka Virginia                                          2 xubnood

Gobolada Gergia/N. Carolina/Tenesee                      2 xubnood

Gobolada New England (Boston/Main)                2 xubnood

Gobolada Galbeedka (California/ Seatle)       3 xubnood

Wadanka Kanada                                        3 xubnood

Dadka tegayaa ee iskood isu xilqaamaya ma xadidna tiradooda oo waa iska furantahay

·         Gobol waliba isaga ayaa soo xulanaaya xubno tayo leh oo uga qeyb gala shirka kharashkoodana iayaga ayaa ka bixinaaya xubnahaas

·         Waa in la dhiiri geliyaa qof oo awooda isna xilqaada inuu shirka tago.

·         Waxaa loo magacaabay gobol kasta qof  uga mid noqda gudiga qabanqaabada oo ka kooban hal xubin waana kuwan:

 

Minesoota:                                      Saciid Garaad

Ohio:                                              Cabdulaahi Nuur “Faracade”

Canada                                           Cabdirahmaan Xaaji Nuur “Shagaxle”

Virginia                                           Cabikariim Xasan Jaamac

Atlaanta/N. Kaarolayna                   S/Guuto Maxamuud Jaamac “Boodhe”

Boostan/Maine                                Maxamuud Cismaan Cawad

Kalifoornia/Seyaatal                                    Xiis Xirsi Ducaale

 

Waa in goboladu hawlahaas sida ugu dhakhsaha badan u-bilaabaan.(3 usbuuc gudahood)

Waxaa shirka ka jeediyay gabayo guubaabo ah oo dadkii qiiro geliyay Abwaan CabdiSamiic Xasan Boobe. Waxaa kale muxaadaro diini ah ka soo jeediyay shirka Abdikariim Xasan Jaamac.

Waxaa shirka uga dambeytii ku gunaanaday duco gudoomiyayna ku hawl galka go’aanada shirka Garaad Jaamac Garaad Cali

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Qabanqaabiyaha Guud ee Shirka

Cabdulfataax Khalif  Haji Faarax “Baadiye”                  

webmaster@ceegaag.com