shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Maxay sumcada soomaalida u dhaawacayaan warbaahinta  reer galbeedku?
 

(UK, Feb 10 2007, Ceegaag Online)

Laga soobilaabo dhamaadkii sanadkii 2002 waxaa soo wajahay somalida u soo haajirtay wadanka ingriiska dagaal aan lagabasho lahayn oo ay wadaan saxaafada wadanka ingriiska. Joornaalada iyo idaacadaha ayaa waxay caadaysteen inay aad  ubuunbuuniy-aan  bogagooda hore shakhsiyaad kasoojeeda wadanka Somalia oo lagu eedaynayo danbiyo.

Fadeexaynta ay wadaan media ayaa waxay keentay in sufahada wadankan oo iyagu kuxiran 5ta channel iyo joornaalada bilaash ka ah ay u arkaan mushtamaca soomaalida dad aan iyagu faaiido habayaratee lahayn oo wada danbiilayaal ah.


Vile ... Mohammed Dica

ninkan waa soomali ugandha in badan kunoolaa, waxuuna danbigiisu qabsaday jaraaidka wadanka sanadkii 2003. xaqiiqada kadanbaysay waxay noqotay inuu noqdo ruuxii ugu horeeyay oo citizen ah oo virus ta  looyaqaano HIV u ataaga ruux kale?. Marunbaa eeg bogan.

http://news.bbc.co.uk/1/hi/uk/55568.stm

waxaa kuucadaanaysa in nin udhashay Qubrus hada ka hor loogu eedeeyay inuu naag ingriis ah si ula kac ah uqaadsiiyay cuduka.

Dhinaca kale waxaa  hirgalay shaci qabyo ahaa oo danbi lagu oogo qofkii gala danbi noocaasoo kale ah. Si aad u ogaato wax badan click sii maqaalka hoose.

http://news.bbc.co.uk/1/hi/uk/3191312.stm

'Demand' ... Omar

Accused ... Yassin Omar

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ninkan waa somalida suguga waxa kale oo layiri waa Somali abbow. Si kastaba ha ahaatee wuxuu kamid ahaa nimankii loo haystay isku daygii fasshilmay ee argagixisadii 21/7/2005.

Buunbuuninteedu waxay hadhaysay iskuday kasta oo lagu ogaan lahaa wixii kadanbeeyay qaraxyadii 7/7.

sadiq mahhamed

ninkan waa soomali 31 yir ah waxuu Qabsaday bogaga hore ee jooraalada bilaashka  waxaa loo haystaa inuu faraxumeeyay gabadh yar oo 7 jir ah. Waxaase ka badatay dacwad loo haysto wasaarada arimaha gudaha (home office) sida ay usiisay sharciga dhalasha wadanka isaga oo horay loogu eedeeyay inuu galay danbiyo kufsi ah.  Waxaa hadaba lafilayaa in qaadasha dhalasha wadanka ll adkeeyo ama laga mamnuuco dadka qoxootiga ah.

Waxaa hadaba mudan inaan dhinac kale ka eegno weerarada saxaafada

Ayaan Hirsi Ali

Ayan Hirsi

Ayan hirsi waa gabadh somaliyeed oo lasiiyay dhalashada wadanka Holland waxayse caankunoqotay iibsashada nafteeda dadkeeda iyo dalkeeda, lama odhankaro waxay iibsatay diinteeda maxaayeekay diintu ayaan uma baahna ee iyadaa ubaahan.

Waxaase xusid mudan buunbuuninteeda ay buunbuuniyeen saxaafada aduunka taa soo dhab ahaan ah wax aad looga xumaado in maga Somali uu noqdo kii caayi lahaa laguna caayi laahaa dhamaan muslimiinta dunida.

Wax lasookoobi karo maaha challenge ay wadaan saxaafadaha shisheeye waase arin haysata dunida oo dhan saameenteeduna ay aad u muuqato. Waxaana mudan in saxaafada loo adeegsado dhinaca wanaaga iyo horumarinta fikirka guud  

Cabdiraxmaan Maxamed Cali London, UK

webmaster@ceegaag.com