shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 


QABRIGOOD DUN SOOMAALIDII !!  (Gabay)  

(Soomaaliya, Jan 14 07, Ceegaag Online)

 
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
 
Tixdaan gabayga ah waxay tilmaan cad ka bixineysaa heerka dadnima-xumada Soomaalidu gaartay. Iyagoo isdaawanaya ayey dunida deg deg uga suuli doonaan, eeddana bilow iyo dhammaad iyagaa iska leh. Qofkii gacantiisa isku gowraca cidna looma qisaaso(Cumar Nabaddoon 2007). 
  1. Dad qabiil Ilaahood yahaan qiilba loo heline
  2. Quraankiyo Sunnada ay bartaan kuma qashuucaane
  3. Qalbigaa engegan oo malaha qiiro iyo dhiige
  4. Quful baa ku jaban dhagaha oo waa qam maqalkiiye
  5. Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye 
     
  6. Qarannimadu waa wadajirkoo lagu quwoobaaye
  7. Haddii qoloba qoladiinna kale malag u qooleyso
  8. Oo cadow quruun dhaarsanaa hawl u qabanayso
  9. Kolley qaylodhaan iyo mashxarad qoomamaa xigiye
  10. Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye 
     
  11. Qorigii Darwiishkee kufriga qiiqa uga keenay
  12. Qaarkiin waxaad uga hadheen waa qabiil kale’e
  13. Qarni iyo sannado baad xumihi weli qufaysaane
  14. Maantana Shariif qiima laad gaal u qabateene
  15. Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye 
     
  16. Qalbigaan ka ooyaa sidaad wax u qorsheyseene
  17. Qofkii iga danbeeyaa waa ogaan waxaan ka qiiroone
  18. Qalqaalada waxaad ugu jirtaan qurun Amxaaraaye
  19. Tigree qolof le weeyaan kuwaan qoosha kuu suraye
  20. Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye 
     
  21. Wixii qaari kaaruhu ku dilay quraca hoostiisa
  22. Diyaaraad qummaatiga u kaca baaska qabadsiiyey
  23. Sidii qadowga geedaha wixii ruux qombabay yaallay
  24. Wixii Qamar hagoogilan Tigree qori ku jeexaayey
  25. Ama qoys gablamay iyo agoon jiifka qaban weydey
  26. Qaarkiin bishaarey u tahay lagu qaboobaaye
  27. Oo qaran qabiil lagu sidkaad quud ka sugataane
  28. Qabrigiin dun Soomaaliyeey quus ayaad tahaye 
     
  29. Dagaal qaawan waa dhici jiriyo qaran la maagaaye
  30. Qawleysatadu  waa jirtiyo dhuuni qaatuhuye
  31. Hayeeshee dad wada qaaddan baan qaadan waanada’e
  32. Qof yar iyo qof weyn  waxaad tihiin qolofti meygaage
  33. Qashar dhuuxi laga miirtay baa qiimo kaa badane
  34. Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye 
     
  35. Qeyrkood ka hare iga Walloo waana loo qoraye

  36. Qaaraddii madoobeyd malaha qaran sidoodaahe

  37. Oo qosyba qoyskii xiguu mool u qodayaaye

  38. Qaybiyoo u tali baa iyana loogu qiil dayaye

  39. Qorshahana waxaa loo igmaday qolo Wayaanaahe

  40. Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye

  41. Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye 

                           Dhammaad 
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

webmaster@ceegaag.com