shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Afhayeenkii Ciidamada Midowga Afrika Captain Paddy Ankundka oo xilkii Afhayeenimada laga qaaday.

(Kampala, January 02, 2008 Ceegaag Online)

Afhayeenkii Ciidamada Midowga Afrika AMISOM Captain Paddy Ankunda ayaa xilkiisii laga qaaday, isagoona lagu amray inuu soo gaaro Magaalada Kampala.

Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa la sheegay inuu xilkii Afhayeenka ka qaaday Cabtain Paddy, oo ahaa in ku dhow sanad afhayeenka Ciidamada horu dhaca ah ee Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wargeyska Dialy Miror ee ka soo baxay Magaalada Kampala ayaa qoray in Cabtain Paddy Ankunda loo magacaabay Abaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalka Uganda, waxaana la sheegay in booskii laga qaaday ee afhayeenimada loo dhiibay shaqsi kale.

Captain Paddy Ankunda ayaa ahaa shaqsi si weyn uga dhex muuqday shaashadaha caalamka mudadii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee uu ahaa Afhayeenimada Ciidamada Uganda, waxaana uu inta badan Warbaahinta uu siin jiray wararka ku saabsan Ciidamada Uganda.

Idaacadaha Muqdisho ayaa ahaa kuwo wareysan jiray Mr Paddy si ay warbixinada Amisom uga qaataan, iyadoona wareysigii ugu dambeeyay ee lala yeesho ay aheyd mid uu uga hadlay weeraro lagu soo qaaday Ciidamada Amisom ee jooga Magaalada Muqdisho.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com